7 go’aan oo geesinimo ah oo uu qaatay Juxa intii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisinta

Qof walba, mawqof iyo maalin ayuu magac ku yeeshaa ama ku magac dilmaa. Magac iyo musiibo maalin bay baxaan. Si kale; Reer dameero-qashe ninbaa magaca u soo jiiday. Magacbuxu wuxuu noqdaa sife qurxan, oo ka turjumaya garaad sarrayn, indheergaradnimo, aqoon mug leh, ogaal badan, xeerin xukun, xaalin xigmadaysan iyo waxyaabaha kale oo nolosha ku xeeran.Si ka duwan magacbuxu wuxuu noqdaa tilmaa qaabdaran, oo ka dhasha; madax-adayg, madiidinnimo, maangaabnimo, macangagnimo, is la qummanaan iyo iyo waxyaabaha kale oo nolosha ku xeeran.

Qofba maaalin buu

Magaciis ba’aa

Ama muunad iyo

Maamuus helaa.”

10kii gu’ ee u dambeeyey, aqoolinteenna maamul waxaa soo maray dad fara ku turis ah, oo qaatay mawqifyo sharafeed iyo go’aanno gobeed.Sida ay u yar yihiin ayeysan maamraynteenna maamul u helin madax ku habboon ama nagu habboon, oo ka dhigan mar iyo marxalad walba maadigaa yiri iyo madax falluuqnimo.

Wasiirrada xukuumaddan hadda liqliqanee, luufluufkana ku socota waxaa ku jiray magacyo, qaarkood ay is ka caddeed, in loogu daray, in ay yihiin keliya “YES MAN” iyo CAANO MA DAADSHAYAAL, dhanka kale, waxaa ku jiray dhawr aad ka dareensan kartay dadnimo iyo karti, waana midda markii dambe bannaanka timid.

Wasiirrada magaca, muunadda iyo maamuuska qofnimo, soomaalinnimo iyo maamul ka tagay waxaa ka mid ahaa Cabdi Faarax Saciid “Juxa” oo ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta X. F. S.Wasiir Juxa waa aqoonyahan, suugaanyahan, qoraa iyo siyaasi. Wuxuu qoray buugga; QAB IYO QUURSI oo uu kaga hadlay takoorka bulshada dhexyaal. Sidoo kale, wuxuu leeyahay suugaan uu curiyey. Waxaa u kulantay awoodo aqooneed, ogaal iyo aqool, ee aysan lahayn madax kale, oo gobollada ama dawladda dhexe xil ka soo qabtay ama hadda ka haya, oo madaxweynayaasha ugu horreeyaan.

Wasiir Juxa wuxuu maamulka Puntland ka soo noqday wasiirka waxbarashada xilli madaxeedkii Faroole, isaga oo wax badan ka qabtay waxbarashada maamulkaas, oo ku guulaystay, in uu mideeyo imtixaannada dugsiyada Puntland iyo qayb ka mid ah manhajka waxbarasho.

Wasaaradda wasiir Juxa uu hoggaaminayey waxay ka mid eheed wasaaradaha ugu muhimsan ee xukuumadda, waxayna ka mid tahay shanta wasaaradood, ee la yiraa wasaaradaha A.Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta waxay is ka saaran tahay labo xil oo ka la culus, arrimaha gudaha, oo badi ku dhaca Muqdisho, maadaama dawladdu aysan meel kale awood ku lahayn, marka laga reebo faragelinta Galmudug iyo Hirshabeelle, oo aan u soo laaban doono iyo arrimaha dib u heshiisiinta, oo malaha ah qodobka ugu adag, ee soomaali horyaal degaankey rabaan ha joogaane.

Sida caadada noo eheed, maamulkii cusbaa, ee dad badan oo dareen wanaagsan iyo niyad saafi ah ay u wada alalaaseen, dhanka kalana dad yar oo indheergarad ah ay ka digeen luggeyntiisa, ayaa wuxuu la soo baxay dhaqanxumadii lagu yiqiinnay dhan bulsheedkeenna siyaasadeed, ee ahaa; guulwadeyn raadin, xoolo aruursi, cunaqabatayn dadweyne, cabburin ummad, ayna dheer tahay tan ugu adag, oo ah; dilid, dhiig daadin, qafaalasho iyo qalalaase abuurid.

Badi wasiirrada XFS waxay noqdeen adeegayaal kaboqaad ah iyo nacamleeyayaal aan maya dhihi karin xitaa marka ay timaad arrimaha masiiriga ah ama taabanaya xeerarka dawladeed iyo shuruucda dawladnimo.Hal tusaale ayaa na horyaale, wasiir Juxa waxa uu ka mid ahaa wasirrada yar ee lahaa aragti, hal adayg iyo ujeeddo nololeed, inta aan mid siyaasadeed la gaarin. Waxan sadrinayaa dhawr tallaabo oo uu qaaday intii uu wasiirka ahaa, anoo ku gunaanadi doona sabbath silks looga qaaday.

– Wasiir Juxa markii uu xafiiska la wareegay wuxuu ugu tagay wiil ay xigto yihiin RW Xasan Cali Khayrre, markii uu arkay, in uu yahay qof uusan la shaqayn karin, ayuu xil ka qaadis ku sameeyey. RW Xasan Cali Khayrre ma garan, in uu wiilka ay qaraabada yihiin meel u raadshee, wuxuu ku soo celiyey is la xafiiskii wasser Juxa. Juxa oo malaha u arkayey tallabadaa tijaabo ah, intee madaxbannaani haystaa, ayaa is ka diiday, in lagu celiyo xafiiska wiilkaa. Ugu dambayn waxaa hirgashay, tii uu rabay Juxa, halkaana Xasan ku hungoobay. Waxay eheed meel laga gaari dona gunaanadka.Halkan dad kale oo wasiirro iyo isugu jiray madax kale, waxay kursigooda uga kacayeen Khayrre, si uu uga fariisto, marka uu xafiiska ku soo booqdo, oo ah dhaqan daliilnimo iyo is dullayn ku tusinaya.

– Waxaa xigtay, in RW Xasan Cali Khayrre, uu samaystay dhallin isaga u guulwadaysa, oo uu ka shaqaalaysiiyey xafiiskiisa, oo uu u bixiyey magacyo la wada mid ah kuwa wasaaradaha. Wasirada sida adag u diiday waxaa ka mid ahaa wasiir Juxa. Is ku daygaa Khayrre isna halkaa ayuu ku banjaray.

– Dhiibistii Qalbi Dhagax, Juxa wuxuu ka mid ahaa, wasiirrada sida cad u diiday bayaanka golaha (HAFARKA) wasiirrada. Waxaa ku wehlisay Maryan Qaasin, oo markii dambe dhaqanxumada meesha taal isaga tagtay, uuna ku xadgudbay Umalka Nayroobi deggan, ee hadda Kismaayo u maalgelinaya Axmad Madoobe, si uu bulshadeeda u sii qixiyo.

– Midda ugu adag ayaa timide, Muqdisho wixii xasilin (XANNIBAAD) lagu sheegay, wasiir Juxa bannaanka ayuu ka maray, mana soo dhexgelin. Bal idinka ii sheega wasiir arrima gudaheed, ee aan laga qaybgelin qaabka magaalo loo xasilinayo? Waad garan kartaa, in is diidmo jirto, oo Juxa ma rabin, in uu xinjir daadinta Xamar ka socata iyo xannibaaddeedq qayb ka noqdo.

– Midda la midka ah waxay eheed, markii go’aan lagu gaaray, in ciidan, mucaarad iyo madax dawlo la wada weeraro, Haanta dheer, oo ay deggan yihiin ciidan militeri ah, guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo guriga sanator Cabdi Cawaale Qaybdiid.Dulmigaa iyo xadgudubkaa wasiir Juxa ma siin dabool sharci ah iyo oggolaasho maamul, ee wuu is ka dheereeyey kana fogaaday dadkii amarkeeda iyo arriminteeda lahaa, oo maanta tuke cambaar leh noqday, bulshadana ka takooran, meelahana ka calaacalaya ka dib markii xilalkii laga qaaday. Keliya Saadaq Joon ayaa noo harsan, ee madax ku sheeggan mishineri dadka u dila ayey rabaane, beesha uu ka dhashay ninkaa ha is ka qabtaan dadka kalana ha ka qabtaan. Dadka uu laayo waxaa ugu badan beesha u ka dhashay, ee miyeysan xanuunsan?.

– Qaranduminta ay dadka kale ku eedaan kooxdan xuurteysan iyaga ayaa ku dhaqmee, waxay u tafoxeyteen duminta maamullada dhibka iyo dhabar adaygga laga soo maray dhisiddooda.Tallaabadaa waa in ay garab ka helaan wasiir Juxa, oo arrimaha gudaha gacanta ku hayey, isna nin wax badan og ayuu ahaaye, kuwan boorsaooyinka shalay la yimid ka ma mid ahayne, wuu ka digay, balse, laga ma dhagaysan. Markii uu arkay, in aysan joogsanayn, ayuu yiri; maya magacayga lagu ma duminayo maamul dhisan.

Hirshabeelle ayey ku billaabeen, oo maqaayad xildhibaannadii ku kulmiyeen, lacag laga keenay Muqdishana xilka looga qaaday Cosoble.Waxyaabaha ay wateen waxaa ka mid ahaa, in ay rabeen, in beelaha maamulwadaagga ah ay madaxa isu geliyeen, oo ay ka dhigaan madaxweynaha in loo wada tartami karo.Wasiir Juxa wuu ka hortagay, uu wuxuu warqaddii uu soo saaray si cad ugu sheegay, in madaxweynaha ay u tartami karaan keliya beesha Xawaadle, oo ahaa runtii qodob hor istaagay gacan ka hadal ama dhiig daata.

Qofka aan ogayn, dhibka laga soo maray dhismaha maamulka Hirshabeelle ayaa ku degdega dumintiisa, ka muhimsane, qofka aan garan macanaha ay leeyihiin maamullada jacburka ee wada gacan ku rimiska ah ayaa dumiya. Federaal qaabkan ah qof iga diiddan Soomaali ku ma jiro, haddana, waxaa hubaal ah, in wax badan laga faa’iidey, ee yaan waxaa yar na la dhaafin, weliba aysan na dhaafin kuwo maran.

– Markii Hirshabeelle la soo heensaday shaahiisii, ayaa waxaa loo jeestay maamulka kale ee jilicsanaa, ee dhanka kore ka jira, sina ay bahwadaagta u yihiin ee Galmudug. Khilaaf macangagnimo ayaa ka dhextaagnaa, oo Cabdikariin Guuleed, faashilkii weynaa, ayaa waxaa xilka ka riixday Axmad Ducaale Xaaf, -in kastow arrimo caafimaad sheegtay- oo isna uu xildhibannimada ka riixday Axmad Fiqi, dhanka kalana ay xaruntii maamulka iyo magaalooyin kale maamuleen Ahlusunna. Filim Kaawbooy ama Horror ah ma kuugu muuqdaa? Waa sooyaal qoran!

Galmudug waxaa loo soo maray qodob aad u xasaasi ahaa, oo la yiraa; IMAARAAD welina sidii u taagan. Tegiddii Xaaf ee imaaraad, waraysigii uu ku sheegay, in uu QARAAB tagay, ayaa waxay hoos ka la hadleen labo nin oo la ka la hayb ah Maxamad Formaajo iyo Xasan Khayrre, waa guddoomiyaha baarlanka Galmudug Casir iyo MW ku xigeen Carrabeey.

Waxay soo saareen, ka dib markii ay hotel ku shiriyeen 11 xildhibaan, in ay xilkii ka qaadeen MW Xaaf, oo dalka ka maqan. Soo laabashadiisii wixii dhacay waaba la ogaa, oo baq iyo biyo loo ka la baxay. Xildhibaanno ewel is diidsiinayey Xaaf ayey dantu bidday, in ay badbaadinta maamulka u is taagaan.

Midda aan uga socdo ayaa ah, in haddii wasiir Juxa uusan ahaan lahayn wasiirka arrimaha gudaha, in hubaal maanta Galmudugta aan naqaan aysan jiri lahayn, ee ay qaab kale iyo gaballo kale sii noqon lahayd. Juxa Galmudug wuxuu ku leeyahay abaal weyn, ee waxaan dhihi lahaa ha loo abaalgudo wasiirka.Ma illowsani socdaalkii uu soohdinta Kenya ku tagay iyo warbixintiisii oo aan la aqoon lila hadda meel ay ka baxday.

Intaa iyo ka badan markii uu hor istaagay ayaa wasiir Juxa xil ka qaadis lagu sameeyey, asoo weliba hawlihii dawladeed haya. U ma liicin, ee wuxuu si cad u sheegay, in hannaanka dawladnimo aan lagu dheelin, ka dibna waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey Nugaal. Bal Formaajo iyo Khayrre yaa soo dhaweysan doona? Waxaan filaa, waxaad leedahay Juxa waxaa loo soo dhaweeyey qabyaalad. Haddaa madaxda kale, miysan qabyaalad xilalka ku hayn, qabiillana ka dhalan? Anigu waxaan qabaa, qof kalaba ha ahaadee, in Juxa loo soo dhaweeyey kaalintii u ka qaadatay badbaadinta dawladnimada ay u ciyaarayayeen DALLAALIINTA.

Waxqabad ma ahan, dhagaxdhig, xarig ka jarid, khudbad jeedin, shir ka qaybgalid, madal kulan tegid, tororog jeedin, masirrogelid, ilmo is la sawirid, malleeshiyo is ku hareerayn iyo waxyaabaha indha sarcaadinta iyo suuxinta ah. Waxqabad waxaa ugu weyn, in aad gef hor is taagto, in aad qalad dhici lahaa joojiso iyo in aad dulmi la fali lahaa aad tiraa maya. Waa midda Juxa u noqday wasiir la jecelyahay, una ahaan doono. Waa inta laga waayey kuwo badan oo been iyo huuhaa aqrin jiray intii ay meelaha ka qaylin jireen, balse, markii ay xukun heleen xaaraan iyo xoolo gurasho u jeestay.

Masuul dawladeed

Iyo madax bulsheed

Marka aad teheed

Maaraynta guud

Iyo maamulkeed

Ama maayar tahay

Mashaqiyo xanuun

Ha abuurin muran.”

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/