Sawirro: Muxuu RW Kheyre kusoo arkay W/ Arimaha Dibadda, Maaliyada & Xeebta Liido

Ra’isul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta wasaraaddaha arriaha dibadda maalgashiga iyo iskaashaiga caalamiga iyo Maaliyadda isagoo u kuurgalay sida ay u socdaan howlaha wasaaradahaasi.

Ra’isul wasaaraha ayaa kormeerkiisa ku bilaabay wasaaradda arrimaha dibadda halkaas oo uu kulan looga  hadlay dar-dar galinta howlaha wasaradda kula qaatay wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaraddaasi.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre ayaa kormeer ku tagay xarunta wasaaradda Maaliyadda isagoo  kulan la yeeshay wasiirka maaliyadda waxa uuna ka wareystay halka ay marayso howlaha ay mareyso howlaha muhiimka ah ee wasaaraddaasi.

Dhanaca kale Ra’isul wasaaraha ayaa xeebta Liido waqti kula qaatay dadweyne ku sugnaa  halkaa kuwaa oo u badna dhalinyaro.

Ra’isul wasaaraha Khayre ayaa  dadkii uu kula kulmay xeebta Liido waydiiyay tolooyin iyo tabashooyin ay u hayaan dowladda, wuxuuna si deggan u dhageystay aragtiyaha dadkii uu halkaasi kula kulmay.

Dhalinyaro kubbad ku ciyaareysay xeebta Liido ayaa Ra’isul wasaaraha u sheegay in  ay u bahan yihiin in garoomo ay ku ciyaaraan looga dhiso degmooyinka.

Ra’isul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhallinyaradda u ballan qaaday in wax laga qabtandoono baahida  dhalinyaradda Sooamaliyeed.