25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Donald Trump oo xilka ka qaaday Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda Rex Tillerson

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington  (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda Rex Tillerson.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku shaaciyay in Mike Pompeo oo ahaa Madaxii CIA-da uu u magacaabay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, isla markaana uu qaban doono howlo cajiib ah.

Donald Trump ayaa uga mahad celiyay shaqadii uu soo qabtay Mr Tillerson, mudadii sanadka aheyd uu hayay xilka Xoghayaha Arrimaja Dibadda Mareykanka

Waxa uu yiri “Wuu ku mahadsanyahay Rex Tillerson shaqadii uu qabtay. Agaasiamaha cusub ee hay’adda CIA ayaa waxa noqoneysay haweeneydii ugu horeysay ee madax ka noqota CIA, Gina Haspel, hambalyo dhamaantiin.”

Eryidda Tillerson, ayaa waxay ku soo beegmaysaa isagoo safar shaqo ah ugu maqan qaaradda Afrika.

Todobaadyo ka hor farriimo Email ah oo ay heshay BBC ayaa muujinayay in Imaaraadka Carabta uu dadaal ku bixiyay in Rex Tillerson xilka laga qaado, kaddib markii uu taageeri waayay go’doomintii Qatar ay saareen Xulafada Sacuudiga uu hoggaamiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News