Is jiid jiidka heshiiska dekedda Berbera iyo ismari waaga taagan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa heshiis la saxiixatay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadta Carabta, kaas oo ay ku maamulayso dekeda Berbera. Arrintaasi waxaa ka dhashay muran badan.

DP World waxa ay saamiga dekada yeelanaysaa 51% boqolkiiba, Somaliland waa $30 boqolkiiba, halka dowladda Itoobiya ay qaadatay boqolkiiba 19%, heshiiskana waxa uu soconayaa muddo 30 sanadood ah.

Sida loo kala leeyahay saamiyada dekada Berbera

Falcelinta dowladda federaalka

Kadib dadaalo ay dowladda Soomaaliya u gashay sidii ay isu hortaagi lahayd heshiiska, kuwaas oo aanan mirodhalin, wasiiradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee dowladda federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys waxa 2-dii bisha March, 2018-ka ay soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegtay in heshiiskaas yahay mid sharci darro ah, islamarkaasna aanan la aqbali karin.

Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre oo maalintaas ka soo laabtay safar uu ku joogay Imaaraatka Carabta ayaa isaga oo ay hareer taagantahay wasiiradda ku celiyay hadalkii wasaaradda, sheegeyna heshiiska uu xad gudub ku yahay ‘qaranimadda Soomaaliya’, aysan jiri karin shirkad shisheeye oo dalka heshiis ka gali karta iyada oo aysan ka warhaynin dowladda federaalka.

Hadalkaas waxaa ku celiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markii uu furayay kalfadhiga labada aqal, isaga oo aanan carrabka ku dhufan Berbera iyo DP World toona, ayuu yiri “Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay maalgashi iyo ganacsi ay la wadaagto waddamada caalamka, si kastaba ha ahaatee cid kasta oo doonaysa in ay maalgashato Soomaaliya waa in ay ogolaansho rasmi ah ka hesho hay’adaha dastuurida ah ee dowladda federaalka, waxaan uga digayaa in waddamada iyo shirkadaha shisheeye in aysan ku xad gudbin qaranimada iyo midnimada Soomaaliyeed”.

Markii uu baarlamaanka furmay, ajandihii koowaad ee laga dooday, loona codeeyay waxa uu ahaa heshiiska Berbera, waxayna natiijada noqotay in baarlamaanka uu shirkadda DP World ka mamnuuco in ay ka hawlgasho Soomaaliya, heshiisyadii au gashayna wuxuu kasoo qaaday kuwa aanan jirin. Mamnuuciddaasi waa inuu Aqalka sare iyo madaxweynuhuba ansixiyaan sii uu dhaqan galo.

.Lahaanshaha sawirkaREUTERS

Jawaabta Somaliland

Falcelinta dowladda federaalka waxaa jawaab ka bixiyay maamulka Somaliland, waxaana u hadlay wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Cabdillahi Guri-Barwaqo oo yiri “Dowladda Soomaaliya waxaan u sheegeynaa in Somaliland ay leedahay dastuur, kaas oo shacabka u codeeyeen boqolkiiba 97%, rubuc qarnina lagu soo dhaqmayay” wasiirka warfaaafinta

Wuxuu xusuusiyay in madaxweyneyaashii hore ee Somaliland iyo Soomaaliya , Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay heshiis ku wada gaareen magaalada Jabuuti sanadkii 2014-kii, kaas oo uu wasiirka sheegay in ay isla ogolaadeen arrimaha maalgashiga iyo xaqa ay Somaliland u leedahay in la maalgashto.

Golaha wakiilada Somaliland oo iyaguna maanta kulan yeeshay ayaa cambaareeyay go’aankii baarlamaanka federaalka iyo kan dowladda, waxayna sheegeen in ay ansixiyeen heshiiska lala galay DP World iyo Itoobiya.

Saamiga Itoobiya

Heshiiska DP World lala galay waxa uu soo biloowday sanadkii 2016-kii, xilligaas oo golaha wakiiladda Somaliland ay ansixiyeen taariikhda markii ay ahayd 9-kii bishii Agoosto, 2016-kii.

Heshiiska markaas la ansixiyay meelna kagama xusnayn saamiga Itoobiya ay leedahay, dib ayayna kasoo baxday 19% -ka saamiga ah oo la sheegay in 14% ka mid ah ay ka iibisay shirkadda DP World, 5%-ta kalena ay ka iibisay Somaliland.

“Dhinaca Itoobiya, markasta si qaldan ayaa loogu celceliyaa, dadka in ay wax fahmaan ayaa fiican, DP World iyo Somaliland ayaa heshiiska wada galay, kadibna DP World ayaa saamigeedii ka gadday Itoobiya, marka labada dhinac ee jira ee asal ahaan heshiiyay waa Somaliland iyo DP World, haddii markaas DP World uu heshiiskeeda sharci noqdo, markaas ayuu kan Itoobiyana sharci noqonayaa, haddii uusan noqon waayana Itoobiya jid u furan maba lahan” ayuu yiri Abukaate Sakariye Cabdullaahi oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Geeska Afrika darsa.

Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn, ayay dekada Berbera noqonaysaa tan kaliya ee ay Itoobiya saami ku leedahay.

Dowladda Itoobiya kama aysan hadlin heshiiska, tan Soomaaliyana ma aysan soo hadalqaadin saamiga Itoobiya ku leedahay Berbera, marka laga reebo baarlamaanka federaalka oo soo xigtay ‘heshiiskii ururkii OAU ee 2002-dii oo ka hadlaya mabaadii’da xurmada gobanimada iyo midnimada geyiga dalalka Afrika’.

Xasarad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiska

Waxaa labada dhinac la’is dhaafsanayaa hadalo kulkulul oo warbaahinta la’isu marsiinayo iyo waliba qoraalo lagu faafinayo baraha bulshada.

Taas ka sokoow durba waxaa jira sii kala fogaansho labada dhinac ah, waxaana dib loo dhigay wadahadaladii dhexmari lahaa Somaliland iyo dowladda Federaalka, kuwaas oo ka furmi lahaa dalka Jabuuti.

Somaliland waxa ay dhankeeda mamnuucday in astaanta internetka ee Soomaaliya (.So) laga mamnuuco gudaha Somaliland maalin uun kadib markii astaantaas lagu wareejiyay wasaaradda isgaarsiinta ee dowladda federaalka.

Shirkadaha kale maxaa laga yeelayaa?

Sida ku cad xeerkii uu ansixiyay baarlamaanka federaalka, heshiis kasta oo la galayo waa in uu ansixiyaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya, haddii kale sharci ma ahan.

Haddaba waxaa jira heshiisyo kale oo lala galay shirkado meelo dalka ka mid ah, heshiisyana galeen shirkado shisheeye, iyada oo aanan baarlamaanka la hor geeynin.

Lama oga sida xeerkan baarlamaanka u saamayn doono shirkadahaasi marka uu madaxweynaha saxiixo, laguna soo saaro faafinta rasmiga ah.

Wareysi: Madaxweynaha la doortay ee SomalilandLahaanshaha sawirkaWAREYSI: MADAXWEYNAHA LA DOORTAY EE SOMALILAND

Hase yeeshee waxa ay u egtahay in xeerka baarlamaanka haddi la ansixiyo uu si toos ah u taabanayaa heshiiskii dekada Boosaaso oo shirkadda DP World ay qandaraas ay la gashay dowlad goboleedka Puntland maadaamaa shirkadan gabi ahaanba laga mamnuucay in ay ka hawlgasho geyiga Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo jira labo shirkadood oo Turkiga laga leeyahay oo kala maamula dekada Muqdisho iyo garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan, kuwaas oo uusan baarlamaanka ansixinin heshiiskooda.

Xigasho: BBC SOMALI

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com