Madaxwaynaha Soomaaliland oo si deg deg ah looga yeeray Dalka Imaaraadka Carabta iyo Xaaladda oo..

Hargeysa (Caasimadda Online) – Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha Somaliland ayaa looga yeedhay dalka Imaaraadka Carabta kadib markii maanta Diyaarad khaasa looga soo diray dalkaas.

Wararka ka baxay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegaya in madaxwayna iyo wefdi wasiiro ah ay galabta ka dhoofi doonaan Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Safarka madaxweynah ayaa la filayaa in madaxda imaaraadka iyo wafdiga Soomaaliland  ay ka wada hadlaan heshiiska dekadda Berbera ee shirkada laga leeyahay imaaraadka ee DPworld ay qeyb ka tahay.

Imaaraadka ayaa la filayaa inay kala hadlaan Muuse Biixi arrimaha muranka dhaliyay ee wareejinta dekada Berbera iyo sidoo kale qoraalo ay Baarlamaanka iyo dowlada federaalku ka gudbiyeen heshiiskaasi.

Madaxwaynaha Soomaaliland ayaa maanta la kulmay shir gudoonka Baarlamaanka Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka iyagoo ka wada hadlay arrimaha muranka dhaliyay ee shirkadaha Dp World.

Waxay noqon doontaa markii u horeysay ee madaxweynaha Somaliland safar ku tago dalka Iimaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com