Kulanka Xildhibaanada caawa uga socday Muqdisho oo buuq iyo sawaxan kusoo dhamaaday (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya inuu fashil kusoo dhamaaday kulan caawa Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia uga socday Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah Xildhibaanada qeybta ka ahaa kulanka oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay in lagu kala tagay shirka iyadoo aan laga soo saarin wax natiijo ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada maanta oo Jimco ah ay suโ€™aalo weydiinayeen Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka, hase ahaatee suโ€™aalaha oo lagu kala aragti duwanaaday uu ka dhashay buuq iyo sawaxan sababay in kulanka lagu kala tago.

โ€˜โ€™Waxaa kulanka ku sugnaa Guddiga Joogtada baarlamaanka Somalia oo aan weydineynay suโ€™aalo la xiriiray Mooshinka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), waxaa suโ€™aalo weydiinaayay Guddiga Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji inta uu ku guda jiray suโ€™aasha waxaa mar qura isqabsaday buuq iyo sawaxan waana lagu kala tagay kulankaโ€™โ€™

Buuqa iyo sawaxanka kadib Guddiga Joogtada baarlamaanka Somalia, ayaa cod dheer ku sheegay in kulanka uusan sidaa kusii socon Karin, sidaa aawgeed ay soo jeediyeen in la dhiso Guudi ay ka kooban yihiin โ€˜โ€™25 ย Xildhibaanโ€™โ€™ oo wadahadalo la furaya Garabka kale ee xildhibaanada ah ee sheegaya in uu sharci yahay mooshinka ay ka keeneen Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka Jawaari ayaa laga sugayaa inay la imaadaan Guddiga Xildhibaanada ee la filaayo inay wadahadalka la galaan garabka kale.

Dhinaca kale, Xiisada ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa weli taagan,waxana xildhibaanada qaarkood ay ku eedeynayaan in ay dabada ka riixeyso Xukuumadda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News