Faahfaahin ku saabsan Ciidamo la wareegay Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la soo sheegayaa in ay la wareegeen ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay isaga hortageen ciidamo boolis ah oo ku sugnaa.

Gabaldhicii ayaa la sheegay in Ciidamo isugu jira xasilinta iyo Koofi Gaduud lagu arkay Xarunta Golaha Shacabka xili ay soo baxeysay digniin ku saabsan in berito uu qabsoomo kulankii caadiga ahaa ee Golaha Shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan lagu amray in aan xarunta gudaha loo geli karin, waxaana saacadihii la soo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in Xildhibaanada ay kulan berri ku leeyihiin, lagana cabsi qabo in buuq iyo fowdo ka dhaco.

Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa u muuqda inay degdeg u fara geliyeen xarunta golaha shacabka, inta aanu Baarlamaanka ka dhex bilaaban fowdo iyo gacan ka hadal.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanada mooshinka ka wada Jawaari ay qorsheynayaan in hadii Jawaari uu shir guddoonka soo fariisto ay buuq ku furaan, maadaama mooshin ka yaallo oo la isku haayo sharciyadiisa.

In kastoo aan sidhab ah loo ogeyn waxyaabaha sababay Ciidamada la geeyay Xarunta Golaha Shacabka ayaa hadana waxaa jira khilaaf soo kala dhexgalay Gudoonka Golaha Shacabka,iyada oo lagu eedeynayo inay Xukuumadda masuul ka tahay.

Sabtida Beri ah ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay sheegayaan in Berito kulankoodii caadiga ahaa ay qabsan doonaan halka kuwo kale ay diideen,waxaana jira mooshin xiisad dhaliyay oo laga gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com