Daawo: Jawaari ” Xaruntii Baarlamaanka waxaa la wareegay Ra’isulwasaare Kheyre

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari oo daqiiqado ka hor Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xaruntii Baarlamaanka Soomaaliya ay la wareegeen Ciidamo  .

Guddoomiye jawaari ayaa sheegay inay xarunta la wareegeen ciidamo uu soo diray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

” Xaruntii Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la wareegay ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre” ayuu yiri jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in la qabto mooshinka laga soo gudbiyey.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu diyaar u yahay haddii xataa lagu soo darayo halkii Xildhibaan ee kooraka ka dhineyd, wuxuuna sheegay inuu ka digayo in Baarlamaanka Soomaaliya la burburiyo.

Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inuu diiday inuu saxiixo mashruucyo liddi ku ah Soomaaliya, wuxuuna sheegay in  lagu heysto arrintaas ayna sababta mooshinka laga gudbiyey.

Waxaa muuqato inay cirka isku sii shareertay xiisadii Siyaasadeed ee u dhaxeysay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana lasoo sheegayaa inuu madaxweyne Farmaajo wado dadaalo lagu doonayo in lagu damiyo xiisadaas oo laga cabsanayo inay kala qeybiso Xildhibaanada Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka daawo Muuqaalka:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com