Jawaari “Mooshinka la iga keenay waxaa sababay anigoo diiday inaan saxiixo arrimo dhaawacaya ammaanada shacabka”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Caaway shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa daaha ka qaaday waxyaabo badan oo qarsoonaa.

Guddoomiyaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u taabtay waxyaabaha keena in mooshin laga keeno.

Guddoomiye Jawaari oo caawa fiidkii Shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa ayaa sheegay in waxa loo socdo aanay aheyn isaga, balse la rabo in la burburiyo Baarlamaanka, shaqadiisana la fariisiyo.

Waxaa uu sheegay in Baarlamaanka la doonayo in laga dhigo Baarlamaankii 8aad, isagoo xusay in sababta mooshinka loogu soo kiciyay ay tahay arrimo uu diiday inuu saxiixo oo dhaawacaya nidaamka, mabda’a iyo ammaanada ay shacabka u dhiibteen.

“Jawaari ma ahan waxa loo socdo, ee waa Baarlamaanka oo la rabo in laga dhigo sida Baarlamaankii 8-aad oo kale, Mooshinada la keenay waxaa sabab u ahaa arrimo aan diiday inaan saxiixo oo dhaawacaya ammaanada shacabka u dhiibteen”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye jawaari ayaa sidoo kale sheegay inay xarunta la wareegeen ciidamo uu soo diray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

” Xaruntii Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la wareegay ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre” ayuu yiri jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in la qabto mooshinka laga soo gudbiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com