Jawaari oo shaaciyay inuu Ogolyahay In loo qaado codka Kalsoonida

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goordhow ogolaaday in loo qaado codka kalsoonida.

Guddoomiye Jawaari, ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay in loo qaado codka kalsoonida kuwa mooshinka ka keenay si ay u helaan tijaabinta codkooda.

Waxa uu Guddoomiye Jawaari hadalkiisa intaa ku daray inuu ku qanci doono codka loo qaadi doono, waxa uuna sidoo kale dalbaday in cod-bixinta ka dhacdo goob dhex-dhexaad ah mar haddii sida uu yiri aqalka golaha shacabka ay xukuumadda la wareegtay.

Sidoo kale, Jawaari waxa uu sheegay inuusan aheyn shaqsi ku dhagaaya kursiga, balse uu doonaayo in kursiga uu kusii fadhiyo haddii ay raali ka yihiin Xildhibaanada amaba uu ka dago haddii laga soo horjeedo xilka uu hayo.

Docda kale, waxaa uu guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ku eedeeyay Ra’isul wasaare Xasan Kheyre in ciidamo ku wareejiyay Guriga umadda, isla markaana uu mas’uuliyaddeeda qaadi doono wixii dhaca.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com