Bixitaanka Jawaari ma soo afjari karaa loolankii xukuumadda iyo mucaaradka?

Madaxweyne Farmaajo ayaa habeen hore xaflad Casho u sameeyay Golayaasha Dawladda Fedaraalka. Sanad ay loolan iyo khilaaf siyaasadeed soo mareen kadib in ay tiraab baxaan, isna cafiyaan, qalbigana isu furaan, si wada jir ahna u gutaan waajibaadka qaran, waana muujiyeen in ay “xalay dhalay wada noqdeen”.

Laakin waxaa is waydiin mudan: waxa ay kaga duwan tahay xafladii la qabtay April 2017 markii la ansixiyay Xukuumadda 29 March 2017 ayna heshay kalsoonidii iyo codkii ugu badnaa ee xukuumadu hesho, lana filayay in si wada jir ah loo shaqeyn-doono? Lkn bil ka dib waxaa bilawday Mucaarad?.

Xukuumadda Nabad & Nolol iyo Mucaaradka ay hogaaminayeen Xildhibaano Golaha Shacabka ayaa soo wada maray Sanad uu hareeyay khilaaf iyo loolan Siyaasadeed oo la dhihi karo ma jirin bil dhamaatay oo aysan dhicin dhacdo la isku khilaafay ama lagu kala aragti fogaaday, markii laga reebo Socdaalkii Madaxweynaha ee Puntland iyo Galmudug.

Sanadkaas waxa uu ku dhamaaday; Weerar iyo Difaac, Fal iyo Fal-celis ay ka dhalatay khasaaro: Naf, Hanti, Waqti, Dhaawac Muraal, Saaxiibo kala fogaaday, Deris is dhaliilay iwm.

Waxaan tusaale kooban u qaadan karnaa dhacdooyinkii ugu waa waynaa ee dhaliyay khilaafka iyo Falceliska:

1-Ku dhawaaqistii Kutladii Horu-socod oo ay hogaaminayeen Xildhibaano ka tirsanaa Xukuumadii hore taas oo ay ka dhalatay; in Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta laga mamnuuco shirarkii iyo kulamadii Nairobi, dadka iyo xukuumaduna u arkeen in qoladii xukunka laga qaaday soo rogaal celisay.

2-Go”aankii dhex-dhexaad-nimada ee Khaliijka oo loo fasiray in lagu gobood-falay danaha dadka iyo dalka, la lana saftay Qatar.

3-Shirkii Abu dhabai oo ay ka qeyb-galeen M/weynihii iyo R/wasaarihii hore, Madaxda Gobalada iyo Xildhibaano Golaha Shacabka kana soo baxeen go’aano ka dhan ah Xukuumadda iyo M. Farmasjo.

4-Mooshinadii Xil ka qaadista Madaxda Hirshabelle iyo Galmudug oo loo kala arkay Xaq ay leeyihiin Barlamaankooda iyo gar-darro Xamar laga abaabulay oo u baahan Gurmad.

5-Shirkii Kismaayo ee Madaxda Gobalada oo ahaa fal-celis ka dhashay Shirkii Abu dhabai iyo Xamar.

6-Dhacdadii Bariire oo dhalisay Weerar iyo Difaac uu ka muuqdo Muuqaal Qabiil.

7-Dhacdadii Qalbi-dhagax oo ku bilaabatay Difaaca Wadaniyadda iyo Xuquuqda Muwaadinka, lkn loo fasiray Awr-kacsi la rabay in lagu dumiyo dawladda.

8-Dhacdadii Guriga C/raxmaan C/shakuur iyo Mooshinkii ay ka dhalatay oo lagu kala fasiray; duulaan lagu soo qaaday xorriyada iyo dimoqraadiyada iyo Inqilaab iyo faragelin shisheeye oo laga hortegay.

9-Xil ka qaadistii Gudoomiyihii Gobalka Banaadir oo loo kala arkay; Nin ka dheereeyay Kacaanka iyo Nin laga gar-daranyahay oo ay Waajib tahay in la difaaco.

10-Shirkii Turkey ee dhex maray qaar ka mid ah Guddoonka Barlamaanka iyo Mucaaradka oo dhaliyey tuhun ah; in bilawga kalfadhiga 3aad ee Barlamaanka duulaan lagu yahay Xukuumadda.

11-Arintii PD World iyo Emaaraat oo go’aankeeda Barlamaanku kala hormaray Xukuumadda, loona fasiray in ay ka gaabisay.

12-Mooshinkii Gudoomiye Jawaari iyo labadii garab ee Barlamaanku u kala jabay ayaa qarxisay dagaalkii mudada dheer soo socday, daahana ka qaaday.

Haddaba Mucaaradka miyaa Tafaha haysta Xukuumadda oo u diidan in ay dhaqaaqdo mise Xukuumadda ayaa diidan in lala Xisaabtamo ama la dhaliilo oo ay dhageysato codka Mucaaradka?

Ma lagu qanci doonaa baaqa iyo dar-daaranka Madaxweybaha mise halkii ayey kasii wadi doonaan oo waxaan noqon doonaa reer “Col u joog” sadexda sano ee soo socota?

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)