Sawirro: Qadar oo Somalia ugu deeqday basas waaweyn iyo wiishashka dekadaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa dowlada Somalia ee uu Hoggamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu deeqday Gaadiid nooca basaska waaweyn.

Gaadiidkan oo ay tiradoodu tahay 30 Gaari oo Basas ah ayaa waxaa la sheegay in loogu tallo galay Garoomada dalka iyo Wasaarada Amniga.

Gaadiidkan ayaa waxaa la xaqiijiyay in loo isticmaalayo Daabulida Saraakiisha iyo ciidamada dowlada, waxaana la gaarsiin doonaa dhammaan Hay’adaha amaanka.

Tirro kamid ah Gaadiidkan Baska ah ayaa la sheegay in la geyn doono Garoomada duulimaadyada dalka kuwooda ugu waaweyn, waxaana loo adeegsan doonaa daabulida Musaafuriinta safarka ah iyo kuwa dib ugu soo laabta dalka, waxa ayna ka dhex shaqeyn doonaan gudaha Garoomada.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Dekadda weyn ee Xamar ayaa sheegay in Gaadiidkan 30-ka ah ay la socdeen laba Wiish oo loogu tallo galay in Xamuulka looga dajiyo Maraakiibta kusoo xirta Dekadda Xamar, waxa ayna deeqdaan ka timid Dowlada Qadar.

Qadar ayaa loolan Siyaasadeed kula jirta dowlada Imaaraadka Carabta oo iyadu dano dhaqaale ka leh Somalia, halka Qadar ay dhaqaalaheeda ku bixineyso Somalia.

Natiijada sawirka ‫قطر تدعم الصومال بـ 30 حافلة نقل و رافعات حاويات‬‎

قطر تدعم الصومال بـ 30 حافلة نقل و رافعات حاويات

Natiijada sawirka ‫قطر تدعم الصومال بـ 30 حافلة نقل و رافعات حاويات‬‎

Natiijada sawirka ‫قطر تدعم الصومال بـ 30 حافلة نقل و رافعات حاويات‬‎