Jawaari waa la ceyriyay, laakiin maxaa innaga qarsoon?!

Xasan SHiikh KORONKORTII uu ka tagaybaa dhulka ka soo baxaysa!!

Waxaa la yiri waa is cazilay laakiin dhabtu waxay tahay in la eryay, Max’ed Cusmaan Jawaari wuxuu samaystay taariikh aan runtii wax muno iyo sharaf aan mid lahayn. Runtu waxay ahayd cimriga uu ku jiray iyo da’da uu siyaasadda ku gaaray maanta waxay ahayd inuu Soomaaliya uga tago keyd isaga lagu soo hal-qabsado, iyo dhaxal looga daydo oo tix raac u noqda jiilasha dambe ee soo socda!…Waxay ahayd xilligan adag oo dalkii iyo dadkiiba uu ku soo duulay cadow Muslim iyo Gaalaba leh in  laga barto tabo siyaasadeed, dal jacay, dad jacayl, iyo adkaynta midnimmada ummadd…..Fiicnaan lahaydaa!….Waxay ahayd haddii uu mar u soo bareeray inuu soo dhex galo siyaasadda wasakhaysan ee ka dhalatay caqligii Dagaal-Oogayaashii, ee dadkii kala qaybisay,  ee horseedday nacaybka aan sababta lahayn waxay ahayd inuu la yimmado barnaamij siyaasadeed oo uu kaga duwanyahay siyaasaddii bur-cadnimmada ahayd ee ay Qab-Qablayaasha horseedka ka ahaayeen, oo ummadu ka garowsato, ee ma ahayn inuu ku milmo siyaasaddii Dagaal-Oogayaasha iyo barnaamijkoodii…..Fiicnaan lahaydaa!…. Adigu bal Tuke caano cabaya oo aan ciidda ka cabayn ma aragtay waligaa?! ….

Odaygu ilaa iyo xilliyadii dhexe ee kacaankii askarta wuxuu ku soo dhex jiray siyaasadda dalka, wuxuuna wax badan ka ogaa xaaladaha iyo dhibaatooyinka haysta ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ahaa waayo-arag lagu han-weynaa inay u aayaan  dadka iyo dalkaba oo ay xilliyadaan oo kale oo uu dalkii dhammaa dunsanyahay, ummaddiina nacabkeedii ku hor kuftay taladiisa, caqligiisa, iyo xog-ogaalnimadiisa  loo baxsado…Fiicnaan lahaydaa!…..Jawaari,  maalintii u horeysay ee la dooranayay Allow ma waxaan moodaynay iyo ducadii dad-weynaha, waxaa laysu aqrinayay ammaantiisa, xeel-dheeridiisa, wuxuu soo noqday Agaasime Waaxeed, Agaasime Guud illaa heer  Waziir…….Waxaas oo khibrad iyo waayo aragnimo ahaa ee uu soo maray hadana wax uu dalka ugu qabtay oo aan lug-gooyo ahayn ma jirin, wuxuuna dhex fariistay oo uu ka mid noqday siyaasiyiin fikradihii wax boobka ku salaysnaa ee dagaalladii dalka dumiyay ku hana qaaday oo u badan  dhalin yaro, wuxuuna la qaatay oo uu kula shaqeeyay fikradahaas duminta ah ee ay ku danysanyeen.

Sida laga war hayo Max’ed Cusmaan Jawaari, markii u horeysay ee la doortay waxay ahayd sanadkii 2012kii, waxaana aad looga soo dhoweyay dalka gudihiisa iyo waliba jaaliyidihii Soomaaliyeed ee dibadaha dalka ku nool, hasa ahaatee faraxddii iyo soo dhoweyntaas waxay ku soo dhammaatay  La Mood Noqonse Weyday!….Waxyaabaha cajiibka ah ee aan xeerarka golaha shacabka ku jirin ee uu isagu ku dhaqmi jiray ayaa waxaa ugu yaab badnaa in marka saaxiibkiis Xasan SHiikh Max’ud MOOSHIN laga keeno uu xeer jajajba ku dhameyn jiray ama uu hor joogsan jiray, mise dadkay handadi jireen?!…..waxaa kaloo yaab lahaa in markii ra’iisal wazaarihii hore Saacid xilka laga qaadayay (Ay ka qaadayeen isaga Iyo Xasan SHiikh Max’ud) uu u diiday inuu ra’iisal wazaaraha xil-dhibaannada hortooda tago si uu isu difaaco!….sidaa si la eg wuxuu dagaal kala hor yimid ra’iisal wazaare Cabdi-Wali SHiikh Axmed isagoo la safan madax-weynihii hore Xasan SHiikh Max’ud….wuxuu isla xilligaas ugu yaraan labo jeer curyaamiyay mooshin ay xil-dhibaannada ka keeneen Madax-weyne Xasan SHiikh….Waxaa intaas oo dhan ka daran in guddoomiyahii hore Max’ed Cusmaan Jawaari wax ka ogaa heshiisyada qarsoodiga ahaa ee uu ku jiro heshiiskii Xasan SHiikh Max’ud Midowga Yurub xeradii Xalane ugu wareejiyay, waxaa sidaas oo kale la xaqiijiyay inuu wax ka ogaa heshiiska Midowga Immaaradhaha Carabta ee Berber  ee Xasan SHiikh Max’ud iyo  Axmed Max’ed Max’ud (Siilaanyo), wuxuuna ahaa ninka ilaaliya madax-weynihii hore Xasan SHiikh una sharciyeeya wax kasta….Erintiisana waxay ahayd Eydin ka baxday dadka iyo dalka qaranimadooda.

Sawirka hoos ka muuqda waa warqad uu Af-Hayeenka la eryay Max’ed Cusmaan Jawaari u qoray madax-weynaha Max’ed Cabdullaahi Farmaajo  iyo ra’iisal wazaaraha Xasan Cal KHeyre, markii u horeysay ee mooshin laga keeno shirkadda DP Worlad, 2017, waana waraaq ku tusaysa farsamooyinka uu adeegsan jiray marka uu Jawaari hor joogsanayo mooshin, waana farsamo rakhiis ah oo ceeb ku ah in hay’ad Golaha SHacabka ah oo kale ay fahmo weyso haddii   aysan dano kale iyada laf ahaanteed u qarsoonayn! Waa hab uu marka hore mooshinka waqtiga kaga luminayo  ilaa xil-dhibaannada mooshinka wada ay ka haraan ama ilaawaan, ama…waa xusid mudan in Jawaari wax ka ogaa heshiiska DP world uu Xasan SHiikh Max’ud u oggolaaday  Axmed Siilaanyo inay la galaan, laakiin golihii xilligaas joogay aan waxba lagala socodsiin! Hasa ahaatee markii la doortay madax-weyne Farmaajo sanadkii 2017ka, oo laga adkaaday ninka heshiiska madaxda ka ahaa ee Xasan SHiikh Max’ud, oo uu heshiiskii agoontoobay ayaa xil-dhibaannadii cusbaa (Waa kuwa hadda joogee) isla markiiba mooshin ka keeneen, Af-Hayeenka la riday Jawaari si uu uga hor tago taas wuxuu si aan qaynuun ahayn waraaq ug qoray Golaha Fulinta, isagoo og in mooshinka ay Xil-DHibaannada keenaan barlamanka hortiisa mooyeelooga doodi karin; Hay’adda mooshinka laga keeno, Madax-weyne, Ra’iisal wazaare, Waziir, iyo wixii la hal-maala… waxay isku difaacaysaa Golaha SHacabka hortiisa oo ay ku doodaysaa, haddii ay aragto wax ay sharci u leedahay ama danaha dalka ay ku jirto, oo markaa Golaha SHacabku ka hor joogsado waxay arrinta u gudbinaysaa Gar-Soorka (Maxkamadda Sare) laakiin waraaq la qoro iyo luuq-luuq la soo maro uma baahna, hay’addda mooshinka laga keenay iyadaa laga rabaa inay difaacdo arrinteeda ama haddii la soo eedeeyo inay is difaacdo oo ay hor timaado Golaha SHacabka, laakiin shaqada Af-Hayeenka ma aha inuu isaga sidii maxkamad dacwo qaadayso u yeero hay’adda ama waraaq u diro!…..

Fiiri qaybta muujinta ee fallaartu tilmaamayso, faahfaahinta uu weydiinayo waa midda ay tahay in ay soo gudbiyaan Xil-DHibaannada mooshinka keenay oo uu goluhu ka dhegeysto!…. balse su’aasha yaabka leh ee markaad warqadaan aqriso madaxaaga ku soo dhacayso waxay tahay, Odayga Jawaari ah haddii uu sidaan daacad u yahay oo uu run sheegayo, muxuu Cabdi Faarax SHir-Doon (Saacid) ra’iisal wazaarihii hore, markii mooshinka laga keenay isagoo ku haya aan golaha hortooda ka hadlo aan is-difaaco ugu diiday, kuwo aan dan ka lahayn mooshinka laga keenayna uu warqad ugu dirayaa oo uu waliba u weydiinayaa inay is difaacaan?!…..Jawaari ma ka jawaabi karaa su’aashaas?!…

Maxaa innaga Qarsoon?!!…Yaab! mise ?!…

Guddoomiyaha xilka laga qaaday, Max’ed Cusmaan Jawaari khudbaddiisa waxaa ka buuxay daliishiga diinta, waxaana la oran karaa dhammaanteed waxay tilmaamaysay aqoonta, khibradda iyo waayo aragnimmada Jawaari uu leeyahay inta ay la egtahay, hasa ahaatee hadalkiisa inama tusayn siduu daacad ug ahaa shaqada uu ummadda u hayay mana inooga sheegin hal shay oo lagu xasuusto uu intii uu xilka soo hayay. Hadalkiisa oo dhan wuxuu cadayn u ahaa inuu wax kasta oo uu innaga haleeyay iosagoo o goo aqoon u leh uu innaga haleeyay!… waxaana Guddoomiyihii hore maankiisa ka maqnaa aayadda 44aad ee Al-Baqarah ee macnaheedu yahay; Ma waxaad hilmaamaysaan naftiina oo dadka kale baad wanaagga faraysaan adinkoo waliba aqrinaya kitaabka…… wuxuu hilmaansanaa Aayadaha 2aad-3aad ee Al-Saf ee macnahoodu yahay ; Duulkiina Alle rumeeyow maxaad u oranaysaan (waxaan samayniyaa) waxaydaan samaynayn Alle agtiisa denbi caro weyn bay ka tahay inaad tiraahdo waxaadan samayn doonin!!….Waxaad ka fekertaa nin kasta oo xil dalka u haya sidaas oo kale ama si ka qoto dheer oo wadaninimo, dad jacayl, dal jacayl, waliba  laga yaabo inuu kaaga ilmaysiiyo dareenka wadaninimo, iyo qiirrada marka uu hadlayo siyaasiga Soomaaliyeed! Laakiin hadalkooda quruxda badan haddii uu dhab tahay muxuu dalka uga muuqan waayay?!!….

Jawaari hadalka uu jeediyay markii la burinaayay iyo dhaqankii xafiiskiisa yaalay waxay kala noqonayaan labo shakhsiyadood oo kala duwan!…..uma malayniyo dhaqankiisa haddii uu ahaan lahaa midkii uu dadka kula hadlayay maalintii (April 12, 2018) in cidna ay u soo bareeri lahayd ama mooshin laga keeni lahaa isaga, Golaha SHacabkana laguma naynaaseen ama magacooda laguma xiriiriyeen magacyada xun-xun ee hadda lagu xiriirsho sida Musuqmaasuqa, Laaluushka, iyo SHaxaadka!… Asagana Jawaari ahaan wuxuu ka mid ahaan lahaa kuwa maghribkii ardayda shaafiinta ugu ducayso “Macallinkeen Allow Kaal! Macallinkiis Allow Kaal!….” KHudbo dheer, oo, eed sheegasho, calaacal, iyo weedho run loo qaadan karo laakiin aan horay isaga loogu aqoon ama dhaqanka xafiiska aan ka mid ahayn oo dad badan la yaabeen buu jeediyay laakiin Illintii Yaxaaska ka soo qaad!

Wali  wax badan baa innaga qarsoon, Jawaari markii Mooshinka laga keenay waxaa ku dhacay Fili-Waa! Wuxuu  u ekaa nin la gaaday oo la soo kediyay, wuxuuna dhowr jeer oo uu hadlay ku celceliyay in waxa loo dan leeyahay ay tahay in la  dumiyo GOLAHA SHACABK, Dalka inay KHATAR ku tahay arrinta la wado, in la yiri WARQAD SAXIIX oo uu diiday! Warqaddu maxay ahayd?!…… inuusan sheegi karin u daa!…Wali dadku dhab ahaan ma oga waxa laysku galay, wuxuuse qofnimmadiisa cadaystay markuu Keating iyo Norway iyo Ingiriis  ama nimanka huwan magaca Beesha Caalamka u dacwooday!…maxay tahay khatarta taas ka weyn ee uu inoo sheegayay!maxay tahay daacadnimmada uu sheeganayo haddiiba uu dowladdiisii shisheeye uga dacwoonayo?!… Oginga Odinga baan la yaabi jiray oo maalin kasta madax-weynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi ka dacweyn jiray safaaradda Maraykanka laakiin annagii bay ina soo gashay!… maxay tahay ceebta taas ka weyn ee laga xishoodo!…Af-Hayeenka Golaha SHacabka waxyaabaha ka reebban waxaa ka mid ah inuu xiriir gaar ah oo toos ah la sameeyo ergooyinka shisheeye ee dalka jooga!shaki kuma jiro iyagu booqash sharafeed way ugu tagei karaan, iyagoo waliba soo maraya hab-raaca diplomats-iyada ee wazaaradda arrimaha dibadda, laakiin isaga xiriirka uu la samaynayo waa mid meel ka dhac ku ah xilka uu hayo! Jawaari ugu dambayntii  taagtiisaa u run  sheegtay wuxuuna xilka ka tegay isagoo aan wali liqin waxa ku dhacay!….waxaana wax kasta isku fuuqsaday  markii uu yiri Anigu lacag kuma qaadan inaan xilka isaga tago!….sow taas inooguma filna macnaha iyo xaqiiqda dabeecadda golayaasheena?!…..mise waligeen waxaan taagnaanaynaa Jawaari waa nin fiican ee kuwa ka hoos shaqeeyaa xun!….

SHuush Bax!….Dad-Weynihii waxay rumaysan la’yihiin sida xaalku u socdo, waxay arkaan haba taag darnaadee nidaam saan-saantii dowladnimo ay ka soo bidhaamayso…. Xukuumad sanad dalka xukumaysa oo inta jeer uu madax-weynaha dhoofay ama ra’iisal wazaaruhu dhoofay tirsantahay! Xukuumad u jawaabaysa shisheeyaha!…xukuumad qofkay tuhmayso la hadlaysa, qabanaysa, ama holinaysa qabashadiisa!… Intii muddo ahayd wax la arki jiray ma aha!……Maxaa innaga qarsoon?! Weydiintani waa mid ay jawaabteedu maqantahay!.. Dad-Weynuhuna garan la’yihiin, dowladdu awooddaan  xaggee bay ka keentay?! Xasan SHiikh Max’ud, xilligiisii wuxuu adeegsaday awood qarsoon oo uu ku socodsiiyo danihiisa, sal-dhigyo ayuu dowlado shisheeye siiyay isagoo aan cidna wax ka weydiin, xeer iyo sharci aan u fiirin! Dalal shisheye ah buu balan qaadyo u sameeyay wuxuuna sharci ahaan u adeegsaday Max’ed Cusmaan Jawaari isagoo hareer maray dhammaan qawaaniinta dadku isku raacay ee dalka u dhignaa. Marka ma dhici karaysaa in Farmaajo iyo KHeyre ay ka waayeen Jawaari inuu  u galo kaalintii uu ugu jiray Xasan SHiikh sidaasna ay kula dagaaleen?! Waaba haddii ay run tahay inay iyaga eryeenee… Masa laga yaabaa  in dagaalka iyo xusul duubka siyaasadeed ee Farmaajo Iyo KHeyre uusan ku salaysnaa  sida dad-weynuhu u qaateen ee ah raadinta iyo sugitaanka Qaranimada Soomaaliyeed laakiin ay tahay SOMA OIL & GAS baan DP World bedelaynaa?!…. ma la hubaa inaysan dano xun qarsoonayn oo arrintu tahay dalkeena oo sidiisa ah; DHul, Bad, iyo Cirbaan xudduudihiisa sugaynaa?….Kenya, Norway, Ingiriis, Immaaraad iyo cid kalaba, wax intaas ka hooseeya isugu immaan mayno….

GAAJO GOBANIMO LEH! @SOOMALIYA

KHudbo dheer oo la jeediyo waxba kama bedelayso raadka foosha xun ee uu ka tegay Jawaari, xil-dhibaannada hadda hor yaala waajibaad ka mas’uuliyad weyn midka ay hadda ay hadda guteen, kaasoo ah, inay soo doortaan Af-Hayeen ku qanacsan inuu ummadda Soomaaliyeed ee codkoodii la duudsiyay muddoo 30 sano oo dhow-dhow ah uu si daacad ah Alle hortiisa wakiil uga noqda, waa inay ka fekeraan arrimo badan oo nidaamka siyaasadda iyo golaha shacabka ay ku soo darsadeen waxa Beesha Caalamka loogu yeero, oo ay ugu horeeyaan Dastuurka lagu saleeyay is-qab-qabsiga oo aan si cad u kala qeexayn xeerarka awoodaha, inay ka fekeraan sidii lagu gaari lahaa in shacabku helo xaqiisii codeynta iyo inuu soo xusho madaxdii ay ku aamini lahaayeen aayahooda!….waxaana golaha laga rabaa inay xasuusnaadaan, oo maanka ay ku hayaan Dunida oo dhan wax rumaysan Gaajo inaan lagu gumoobi karin waxaa jira shacabka Soomaaliyeed, wayna ku shaqeeyeen, oo ku dhaqmeen!…wali adigoo cunto saluugaya hooyadaa ma ku tiri  “Iimaanka isku sug!” mase lagu yiri “Wuxu waa cuntee ha ku hadlin!” “Wuxu waa hunguriyee ka xishoo!”….dunida kale, waa ka duwantahay sidaas, waxaa qaacida ka ah ama dadka kale aad ka arkaysaa dhaqan kaas ka duwan!…DHaqankenna kama mid ahayn in nafteena nin inala mid ah uu gorgoriyo ama inaan damiirkeena aan iibino!…..Soo doorta Af-Hayeen u adeega ummaddan lagu soo duulay!…CEEB ka xishooda hunguri iyo laaluush laydin siiyo hadhowna laydinku xanto!…. Waxaan nahay ummadda keliya inta ilaa hadda la ogyahay ku maahmaahda Gunnimo DHereg Leh Gaajo Gobanimo Leh Baan Ka Doortay!….waana xeerka laga rabo mas’uul kasta oo Soomaali ah inuu qaato oo fuliyo oo ku faano berina dadkiisa uga daydaan!….

W/q: Axmed-Yaasiin Maxamed Sooyaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid