Madaxda dowladaha Carabta oo soo saaray dignii culus oo ku wajahan faragalinta Iiraan ee arrimaha Gobolka

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyayaasha jaamacadda Carabta ayaa waxa ay sheegeen in ay doonayaan in ay gacan ka gaystaan ammaanka gobolka bariga dhexe.

Kulan ay ku yeesheen dalka Sacuudiga ayaa waxa ay hogaamiyayaashani hoosta ka xariiqeen in ay doonayaan in ay taageeraan Falastiini ayna xaqiijiyaan ammaanka gobolka.

Boqorka sacuudiga boqor Salaman ayaa dhaleeceeyay wax u ku tilmamay faragelinta qaawan ee Iiraan ay arimaha gobolka ku haayso .

Boqor Salmaan ayaa muujiyay sida uu ugu soo horjeedo waxa uu ku tilmaamay falka arggaxisada ah ee Iiraan.

Hogaamiyayaasha wadamada Jaamacadda Carabta ee kulanka uu ugu soo gabagabeeyay dalka Sacuudiga kama aysan hadlin duqeeyntii dhanka cirka ee Maraykanka, Britain iyo Faransiisku ay ka geeysteen dalka Suuriya .

Hogaamiyayaasha Carabta ayaa dhanka kale waxa ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan go’aankii madaxwayne Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israa’iil.

Boqor Sacuudiga boqor Salmaan waxa uu sheegay in bariga Quddus ay tahay qeeyb muhiim ah oo ka mid ah dhulka falastiin.

Isha BBC

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com