Halkee ayuu marayaa wadahadalka Sacuudiga uga furmay dowladaha Somalia & Imaaraadka Carabta (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wadahadal uu dalka Sacuudiga uga furmayo Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka Carabta oo maalmahan khilaafkooda uu cirka isku shareeray.

Wadahadalka labada dowladood ayaa waxaa si wada jira uga qeybqaadanaaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Sacuudiga iyo saaxiibadeeda, kaa oo lagu qaboojinaayo xiisada u dhaxeysa labada dal.

Madaxweynaha Somalia oo garabsanaaya xubno ku wehlinaaya socdaalka iyo Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa is horfadhiya, si xal waara looga gaaro xiisada labada dal ee bilo jirsatay.

Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Imaaraadka Carabta, ayaa ka xaajoonaya sidii loo soo afjari lahaa xiisada iyo faragalinta taagan ee lagu hayo Somalia.

Wadahadalka iyo sida lagu gaari lahaa Isfahan waxaa juhdi ku bixinaaya Boqorka Sacuudiga, Dhaxalsugaha iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga, waxaana la saadaalinayaa in ilaa iyo xad leysku afgaran doono wadaxaajoodka.

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegay in wadahadalka uu leeyahay rajo wanaagsan, isla markaana si hordhac ah leyskula fahmay ciladaha jira.

Wasiirka oo ka mid ahaa Wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeyb galay shir madaxeedkii Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Madaxda labada dhinac ay wada hadlayaan, isla markaana la filaayo in si wada jira loo soo saaro qodobada leysku fahmo.

Sidoo kale, Cawad waxa uu tilmaamay in saacadaha soo socda ay dhinac u ridi doonaan khilafka,waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay xal laga gaaro muranka iyo khilaafka dabadheeraday.

Si kastaba ha ahaatee, wadahadalka socda ayaa waxaa garwadeen ka ah dowlada Sacuudiga oo iyadu qudheeda u janjeerta dhanka Imaaraadka Carabta oo ay kawada tirsan yihiin hal xulafo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com