Maxaa kala soctaa Shuruudaha uu C/weli Gaas ku xiray kala qaadista ciidamada isku horfadhiya Tukaraq

Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa ka hadlay qorsho la sheegay in lagu doonaayo kala qaadista ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland ee deegaanka Tukaraq.

Cabdiweli Gaas, ayaa sheegay in Puntland ay soo dhaweyneyso qorshahaasi, balse ay dooneyso in ciidamadeeda Jiida Tukaraq looga soo saaro shuruudo.

Gaas, waxa uu tilmaamay in duulaanka uusan aheyn mid markiisa hore ka imaaday Puntland, hase ahaatee ay soo qaaden ciidamada Somaliland.

‘’Puntland waxa ay diyaar u tahay in deegaanka Tukaraq ay ka qaado ciidamadeeda, balse waxaan uga qaadeynaa shuruud si aanu u dhicin xad gudub’’

Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay in deegaanka Tukaraq ay ku sugan yihiin ciidamo ku filan Puntland, hase ahaatee ay doonayaan inay sii kordhiyaan waa haddii laga maarmi waayo, sida uu hadalka u dhigay.

Puntland ayuu sheegay in ay marwalba Nabada jeceshay,isla markaana Hoggaamiyaha Somaliland  Muuse Bixi, laga doonaayo in qudhiisa uu iclaamiyo nabada.

Waxa uu Gaas shuruud ka dhigay in marka hore dib loo durjiyo ciidamada Somaliland ka hor inta aanu dhicin wadahadal, waxa uuna intaa raaciyay in Muuse Biixi uu dhankiisa ka aqbalo wadahadalka.

‘’Shuruudeenu wey iska cadahay waa in Muuse Biixi uu la imaadaa jilicsanaan iyo ogolaansho wadahadal lagu joojinaayo dagaal’’

‘’Waxaan soo jeedineynaa shuruud kale oo ah in ciidamada Somaliland dib looga durjiyo halka ay iminka taagan yihiin, waxaan is leeyahay wadahadalka markaa kadib ayuu imaanaya’’

Haddalka Cabdiweli Gaas, ayaa imaaday kadib markii uu codsaday Boqor Buur Madow oo kasoo jeeda dhulka Puntland in la kala qaado ciidamada Puntland iyo Somaliland ee isku horfadhiya deegaanka Tukaraq.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com