Sawirro: Farmaajo oo baaq deg deg ah kasoo saaray waxyaabihii uu kusoo arkay Baladweyne

Baladweyne (Caasimadda Online)– Madaxweyn, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday goobo ka mid ah meelihii fatahaada webiga Shabeelle saameynta xooggan ku yeeshay ee Baladweyne, wuxuuna warbixino ka dhageystay dad shacab ah iyo mas’uuliyiin.

Farmaajo oo booqashadiisa Baladweyne ugu guur galayay xaalada murugsan ee halkaasi ka jirta ayaa ku dhawaaqay xaalad bini’aadanimo, isagoo ugu baaqay qeybaha bulshada in ay kala shaqeeyaan Guddiga Gurmadka Qaran ee ay Dowladda Federaalku u xilsaartay sidii gurmad ballaaran loogu fidin lahaa dadka ku barakacay fatahaadaha Wabiga Shabelle.

“Maanta waxaan halkan (Beledweyne) u imid inaan idinla qeybsado xanuunka iyo dhibka aad ku jirtaan. Waxaan ognahay in 100 kun oo qof dad kor u dhaafaya ay bannaanka magaalada ku suganyihiin, walina ay jiraan dad ku go’doonsan gudaha magaalada.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay ciidamada AMISOM iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaalintii ay ka qaateen samatabixinta shacabkii go’doonka ku ahaa qeybo kamid ah magaalada Beledweyn iyo tuulooyinka ku hareeraysan.

Waxaa saaka la gaarsiiyey magaalada Beledweyn gargaar isugu jiray raashin iyo daawooyin, iyada oo ay wali socdaan hawlaha loogu gurmanayo shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne iyo deegaannada ku hareereysan.