Aqriso qoraalkii dhabta ahaa ee Cabdishakur Cali Mire ugu jawaabay CC Shakuur

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo  kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaaday kana jawaabay hadal kasoo yeeray siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur kadib markii uu Maanta ka hor doorashada uu bartiisa Facebook soo dhigay qoraalo uu Xildhibaanada uga dalbanay inaan la dooran musharaxa ay dowladda Soomaaliya wadatay, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkii Cabdi Shakuur Cali Mire oo aan kal hore oo maanta idiin soo gudbinay ayaa waxaa ku jiray qaladaad yar, waxaase idiin soo gudbineynaa hadalkiisii dhabta ahaa.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu xildhibaanka soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxaa marka hore u hambalyeynayaa gudoomiyaha cusub mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxman waxaana illaahay uga baryayaa inuu fududeeye xilka culus ee loo doortay.

Waxaa sidoo kale u hambalyeynayaa saaxiibkay Ibrahim Isaaq Yarow oo kaalinta labaad galay codad badana kasbadey, waxaana ammaan mudan sida biseylka laheyd ee uu ugu hambalyeey walaalkiisa ay tartameen.

Mudane Ibrahim mudo dheer baa aqaan wuxuuna ka mid yahay xildhibaanda mudada dheer baarlamaanka kusoo jirey kana soo qeyb qaatay in dalku soo gaaro meesha wanaagsan ee maanta aan joogno waana shaqsi aan ku aqaan dowlad jaceyl.

Waxaa aaminsanahay in xildhibaanada kala codeeyey iyo musharaxiinta tartamayba ay gudanayeen xuquuqdooda dastuuriga ah, mana jiro mid adkaadey iyo mid laga adkaadey dhamaanteen waxaa nasugeysa waajib qaran iyo inaan kawada shaqeyno inuu Baarlamaanku si muuqata u guto waajibaadka hor-yaal mudada ka dhiman jiritaanka Baarlamaa ka.

Waxaa wax laga xumaado ah in wali dad siyaasiyiin sheeganaya u ololeynayeen in baarlamaanka iyo xildhibaanadu kala qeybsanaadaan oo waliba markii tartankii dhamaadey ay xildhibaanada ku tilmaamay kuwa ku ceebeysan inay labo xildhibaan kala doorteen, taasoo kasoo horjeeda dimuquraadiyada iyo dabeecada doorashooyinka.

Musharax kasta oo guuleysta waxaa uu ahaan lahaa gudoomiyaha baarlamaanka waxaana waajib ku ahaan laheyd xildhibaanada musharax kastoo kusoo baxa doorashada inay la shaqeeyaan.

Siyaasiyiinta qaarkood waxay maanta in badan waqtigooda galiyeen inay xildhibaanada fariin usoo dhigaan FB, laakiin xildhibaanadu maanta FB waqti uma heyn waxay gudanayeen waajibkooda.

Ugu dambeyntii waxaan dhamaan xildhibaanada u rajeynayaa guul iyo in laga gudbo doodiihii ka dhashay ololaha doorashada oo ah shey dabiici ah oo mar walba dbaca.

Mahadsanidiin.
Xill Abdishakuur.