Daawo: Sida ay u dhacday Khudbada Gudoomiye Mursal Guushiisa kadib & Guuldarada ku dhacday Ibraahin Yarow

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xildhibaan Maxamed Sheekh Mursal C/raxmaan ayaa noqday Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Somaliya, kadib markii uu ka guulaystay Musharaxii la tartamaayay.

Wareegii ugu dambeeyay ee doorashadda ayaa waxaa ku tartamaayay musharaxiinta kala ah Ibraahim Isaaq Yarow iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xildhibaan Maxamed Mursal ayaa ku guuleystay codad gaaraya 147 cod.

Xildhibaan Ibraahin Isaaq Yarow ayaa helay codad gaaraya 118 cod.

Kulanka baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 265 xildhibaan.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad kooban jeediyay ka dib markii uu xilkan ku guuleystay ayaa u mahad celiyay guud ahaan Xildhibaanada Golaha Shacabka intii codkooda siisay iyo kuwa aan siin, isagoo balanqaaday inuu fulin doono Barnaamij siyaasadeedkiisa ka koobnaa 10-qodob.

Guddoomiyaha cusub ayaa sidoo kale balan qaaday inuu la tashiyo la sameyn doono Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana uu dhageysan doono aragtidooda si Golaha Shacabka uu wax badan u qabto.

“Aniga waxaan mar kasta diyaar u ahay inaan dhageysto soona dhaweeyo aragtidiina, waxaan hortiina ka balan qaadayaa inaan shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si Danta, Dalka iyo Dadka ay ku jirto”. ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.