Walbahaarka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka hor doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka!!!

Adkeysiga iyo aamusnaantu waa nuuc ka mid ah gumacyada siyaasadda, isticmaalka dadkalana waa xagal siyaasadeed oo natiijada shacabka si dadban loogu ogaan karo.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa saacidihii lasoo dhaafay, wuxuu daqiiqad daqiiqad dadka ugu sheegayay inuu naxsan yahay, waliba si daran.

Ilaa intee ayuu wax ka badali karaa hadal Facebook lagu qoray go’aanka qof xildhibaan ah oo lacag, xil ama xisaab beeleed wax ku jaangooyay xili hore ?

Siyaasiga aan xilheynin caadiyan waa mucaarad, laakiin ismiidaminta Cabdiraxmaan gunaanadkeedku ma fiicna.

Farmaajo waxaa u dhiman wax 1000 (kun) habeen ka yar, xisaabtan waxaa la socda siyaasiyiinta ku kalsoon in 2021 la dooran karo. Kuma jiraan kuwa u tababaran hab dagaaleedka Baraha Bulshada.

Tallo
——-
Anigoo og inaad iga cilmi badan tahay balse aanan ogeyn farqiga noo dhaxeeya aniga iyo kuwa kula taliya, hadanna waxaan kugu boorin lahaa inaad joojiso isticmaalka dalku dagaal ayuu ku laaban karaa. Mar walba oo aad isticmaasho weedha “Dagaal” xitaa kuwa cabsan magacaaga ma heystaan mar marsiyo ay kugu difaacan. Hadii aad taa been u aragto, dib u eeg falcelinta laga bixiyo qoraalada aad raaciso “Dalka dagaal ayuu ku laaban karaa/doonaa.

Mucaarad iyo muxaafid midna lagama iibin karo xiligaan dib ugu noqosho dagaal. Waxaan rajeynaya inaad isticmaali doonto hab taa ka duwan oo aad dadka ku kiciso.

8

Cabdulaahi Cismaan Faarax