Wararkii ugu dambeeyey Kalkaalisada Jarmalka ah ee Muqdisho lagu afduubtay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Haweeney u dhalatay Jarmalka oo ah kalkaaliso caafimaad oo u shaqeyneysay Hay’adda ICRC, lagna afduubtay xarunta ururkaasi ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin dheeraad laga helay.

Haweeneydan ayaa lagu magacaabaa Sonja Nientiet, waxayna Hay’adda ICRC u shaqeyneysay ilaa sanadkii 2014, waxayna kasoo shaqeysay dalalka qalalaasaha ka jiraan sida Syria iyo the Democratic Republic of Congo.

Toddobaadkan oo ay magaalada Muqdisho timid ayaa la sheegay inay tababar ku saabsan gargaarka degdega ah siineysay Shaqaalaha Soomaaliya ah, waxayna sidoo kale caawineysay bukaanada isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka.

Wasiirak Arrimaha dibadda Germany Heiko Maas ayaa ka sheegayay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya in dowladda Germany aysan wax faahfaahin ah ka bixineynin afduubka lagu kacay muwaadinka Jarmalka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

CaasimadaQ@live.com