Sawirro Qurxoon: Farmaajo oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay magaalada Dooxa

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa magaalada Qatar uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah, waxa uuna mudada uu halkaa joogo la kulmi doonaa Madaxda dalkaasi.

Madaxda uu kulanka ugu badan la qaadan doono ayaa waxaa kamid ah Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani oo isagu casuumay iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Hamad ayaa waxaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowladda Qatar Jassim Sayf Axmed Al Sulayti, Ku-simaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mukhtaar Cali Yuusuf iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda.

Wafdiga la socda Madaxweynaha oo u badan Wasiiro ayaa iyaguna la kulmi doona Wasiirrada dhiggooda ah, waxaana lagu wadaa in Heshiis ay kala saxiixdaan labada dal.

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Image may contain: 1 person, indoor