Xog: Ganacsato ajaaniib ah oo Jubaland ku qulqulaya iyo qorshe hoose oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaa ay gaareen Ganacsato Kenyaan ah oo kasoo socdaalay magaalooyinka Nairobi iyo Mombassa.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ganacsatadaasi ay isugu jiraan Kenyaan iyo Ajaaniib kale, kuwaa oo xoogooda saldhigtay magaalada Kismaayo, waxaana lasoo sheegayaa inay u socdaan mashruuca dhoofinta Dhuxusha sharci darada ah.

Ganacsatada oo kor u dhaafeysa Todobo ayaa xoogooda u gudbay dhanka Dekada macmalka ah ee ku taalla Buurgaabo oo ka tirsan Jubbada Hoose una dhow Xadka Kenya.

Ganacsatadaan oo ay ku jiraan laba kasoo jeeda dalka Imaaraadka carabta ayaa doonaaya in Dekadda macmalka Buurgaabo iyo tan Kismaayo ay ka dhoofiyaan dhuxul sharci darro ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in mid kamid ah Maraakiibta rari lahaa dhuxusha uu kusoo xirtay Dekadda Buurgaabo.

Dhuxusha ugu badan ayaa lasoo warinayaa in laga rari doono Dekadda Buurgaabo, halka Dekadda Kismaayo uu ka socdaali doono hal markab oo qura oo ku xiran doona Mambaassa.

Dowlada Somalia iyo QM ayaa muddo dhowr jeer ah ka digay in lagu xadgudbo dhirta Jubbooyinka, isla markaana dhuxusha sharci darada ah aan laga rari Karin Dekadaha maamulka Jubbaland, hase ahaatee digniinta ayaa u muuqata mid aan hir galin.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaan weli ka hadal sharci jabinta maamulka Jubbaland, iyadoo indhaha ka qabsaneysa dhuxusha sharci darada ah ee loo daad gureynaayo Kenya iyo Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com