Xog: Sidee ayuu ku dhacay safarkii Abiy ee Muqdisho? + Go’aankii FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraaha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa shalay booqasho ku yimid Muqdisho, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, heshiisna ay ku kala saxiixdeen.

Socdaalka Abiy Ahmed, oo dhowaan loo doortay ra’iisul wasaaraha Ethiopia, ayaa yimid isaga oo dhowaan booqasho ku bixiyey dhammaan dalalka deriska la ah dalka Ethiopia.

Sida aan xogta ku helnay, Abiy ayaa marka uu soo dhameystay socdaalkiisa dalalka gobolka, wuxuu madaxweyne Farmaajo ka codsaday inuu yimado magaalada Addis-Ababa, hase yeeshee madaxweynaha Soomaaliya ayaa qabay fikir taas ka duwan.

Ilo lagu kalsoon yahay waxay Caasimada Online u sheegeen in Farmaajo uu Abiy Ahmed u sheegay inay caddaalad darro tahay inuu booqday dhammaan dalalka gobolka, balse uu Somalia u sheego inay asaga soo booqdaan, taasna aysan wanaagsaneyn.

Abiy Ahmed, oo markii hore sababo amni uga cabsi qabay imaanshaha Muqdisho, ayaa la sheegay in Farmaajo uu u damaanad qaaday amnigiisa, ugu dambeynna uu aqbalay inuu soo booqdo caasimadda Soomaaliya.

Waa tallaabo kale oo muhiim ah oo muujineysa isbeddalada siyaasadeed ee Soomaaliya ka dhacay tan iyo markii xukuumadda cusub tallada la wareegtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com