‘Abiy Ahmed wuxuu Xamar ku saxay qaladkii heshiiska saamiga dekeda Berbera’

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray faallo uu ku sheegay in qodobka 7-aad ee heshiiskii ay shalay kala saxiixdeen Ethiopia iyo Somalia ee dhigaya in si wada-jir ah loo maal-gashado dekedaha, loo arki karo tallaabo uu Abiy Ahmed ku sharciyeeyey heshiiskii dekedda Berbera ee xukuumadda Muqdisho ay su’aalaha ka keentay.

Inkasta oo heshiiska aan lagu magacaabin afarta dekad ee la maal-gashanayo, ayaa haddana wargeyska wuxuu leeyahay, tallaabadii ugu dambeysay ee Ethiopia waxaa loo arki karaa mid lagu saxayo murankii ka abuurmay heshiiska dekadda Berbera ee maamulka Somaliland.

Heshiiskaasi ayaa dhigaya in Ethiopia ay 19% ku yeelato dekadda Berbera, oo ay iibsatay shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta, hase yeeshee waxaa diiday baarlamanka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalbata in dhammaan heshiisyada ay dalalka shisheeye la saxiixdeen Somaliland iyo Puntland ay qasab tahay inay taageerto xukuumadda Muqdisho.

Ethiopia ayaa 95% adeegyadeeda kasoo dhoofsata dekadda Jabuuti, waxaana tallaabada Abiy Ahmed ee Muqdisho loo arkaa mid uu ku doonayo inuu ku badiyo dekadaha ay Ethiopia isticmaasho, oo aysan hal kaliya isku haleyn.

Si kastaba, wargeyska wuxuu leeyahay, inkasta oo uu jiro heshiiska dekadaha, haddana waxay labada hoggaamiye ay isku raaceen in midba midka kale uu xushmeeyo madaxbannaanida labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com