War ka cusub muranka ka dhex-oogan DP World iyo Jabuuti ee dekada Doraleh

Dubai (Caasimada Online) – Shirkadda fadhigeedu yahay Dubai ee DP World ayaa beenisay warar sheegaya inay isku dayeyso inay dowladda Jabuuti heshiis ka baxsan maxkamadda kala gaarto muranka la xiriirra maamulka dekadda Doraleh.

DP World ayaa Jabuuti la kortay maxkamad, kadib markii ay ka baxday heshiis ay horey ula gashay shirkaddan Imaaraatiga ah oo la xiriira maamulka dekadda Doraleh.

“Waxaa wararka qaar lagu sheegay in DP World ay ka fakareyso in heshiis ka baxsan maxkamadda ay Jabuuti kala gaarto, go’aankii sharci-darrada ahaa ee ay kula wareegtay maamulka Doraleh” ayaa lagu yiri hadal qoraal ah oo kasoo baxay DP World.

Afhayeen u hadlay DP World ayaa sheegay in heshiiska ogolaansho uu weli meel yaallo, islamarkaana tallaabooyinka ay qaadday dowladda Jabuuti la geeyey maxkamadda caalamiga ah ee dhexdhaaxdinta ee London.

“Waxaan sugeynaa natiijada ka dhalata arrintan, waxaana naga go’aan inaan ka howlgalno dekadda Doraleh sida ku cad heshiiska, mana sameyn doonno wax taas ka baxsan” ayuu yiri afhayeenka DP World.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa horey u sheegay inuu heshiiska ka baxay kadib markii uu ogaady in DP World aysan daacad ka ahayn horumarinta dekadda Doraleh, balse ay dooneyso inay wiiqdo, ayada oo u daneyneysa dekadda Jabal Ali ee Dubai. Halkan ka aqri warkaas iyo sirta dekadaha Imaaraatka ee uu kashifay Geelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com