Darawalkii Sheikh Osama Bin Laden oo gacanta lagu dhigay + Taariikhdiisa

Derna (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo milatari ayaa u sheegay taleefishinka Al-Arabiya in ciidamada dalka Libya ay maanta xiraan Abu Sufyan bin Qamu kadib weerar lagu qaaday xaafad ay ku xooggan yihiin mintidiinta oo ku taalla magaalada Derna.

Sarkaalka milatari ayaa sheegay in Abu Sufyan Bin Qamu la xiray kadib markii kooxdiisa ay rasaasta ka dhammaatay dagaal culus kadib.

Abu Sufyan bin Qamu oo 59 jir ah ayaa ka mid ah hogaamiyayaasha ugu caansan Al-Qacida, wuxuuna dalka Libya ka tagey sanadihii sideetamaadkii.

Waxa uu dalka Afghanistan tagey kadib markii uu soo maray Sudan, wuxuuna tababar ku qaatay xerooyinka Al-Qacida ka hor inta uusan noqon mid ka mid ah xubnaha sare ee kooxda.

Xilligii Osama Bin Laden ee Sudan, Abu Sufyan waxa uu ahaa darawalka gaarka ah ee hoggaamiyaha Al-Qacida, ka hor inta aysan qaban ciiamada Mareykanka oo aysan ku xirin Guantanamo Bay. Waxaa dalka Libya loo masaafuriyey sanadii 2007, halkaasi oo uu ku galay xabsiga Abu Salim.

Sanadii 2011 ayuu xabsiga ka baxsaday kadib markii ay burburtay dowladdii Qadafi, wuxuuna ku laabtay magaaladiisa Derna, halkaasi oo uu ka aas-aasay kooxda Ansar Al-Sharica.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com