La-yaabka dunida: Wariye Maraykan ah oo lagu rakibay cod aaladeed kuna hadlay

Wariye ka shaqeeya raadiya ku yaala dalka Maraykanka oo lumiyay codkiisa labo sano ka hor ayaa dib u bilaabaya shaqadiisa, kadib markii lagu rakibay cod aaladeed oo ku shaqeeya waxa loo yaqaano Garaadka Macmalka ah.

Jamie Dupree, 54 jir ah ayaa ka hawlgala Cox Media Group, waxaana ku dhacay xanuun dhif iyo naadir ah oo ku dhaca neerfaha, kaas oo keenay in uu codka ka lumo.

Shirkadda CereProc oo laga leeyahay Scotland ayaa usoo saartay qalab codka qofka kasoo saara oo ku shaqeeya Garaadka Macmalka ah, waxayna taas u suurtogalisay wariyahan in uu shaqadiisa dib ugu laabto labo sano kadib.

Ninkan ayaa codkiisii hore la baray aalada, taas oo u abuurtay kayd dhan oo hadal ah, kaas oo ay ku dhisi karto hadba hadalka uu soo hinqado.

Waa barnaamij aad qaali u ah, wuxuuna halkii cod joogaa kumanaan kun oo doolar.

Seynisyahano badan oo xaga kumbuyuutarka ah ayaa meelo ka mid ah adduunka isku dayaya in ay maskaxda bini’aadamka ku guuriyaan ama ku raraan aaladaha casriga ah oo la doonayo in ay sidii maskaxda ama u dhow u shaqeyn karaan.

Mr Dupree ayaa arrimaha siyaasadda Maraykanka ka faaloon jirey 35tii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna barnaamijyo iyo warar usoo saarayay illaa 6 idaacadood, codkiisana waxa uu udub dhexaad u ahaa shaqadiisa.

Sanadkii 2016-kii ayuu bilaabay in uu codkiisa lumiyo, balse waxbo kama aysan qaldanayn dhuuntiisa, dhamxanaga iyo waliba xididaha codka qaada.

Baaritaano kala duwan kadib, waxaa markii dambe laga heley cudur ku dhaca carrabka oo dhif iyo naadir ah. Waxaa dhacaysa in uu carrabka banaanka usoo boxo, dhuuntana ay is xirto, taas oo aanan suurtogal ka dhigaynin in la maqlo codkiisa.

Halkii uu shaqadiisa joojin lahaa, waxa uu door bidey in uu su’aalaha ku diyaarsado taleefoonka weyn ee Tablet, kadibna iyada oo qoraal ah uu hor dhigo siyaasiyiinta, wuxuuna markaas duubi jiray jawaabaha ay bixiyaan, sidaasna raadiyaha uga siideyn jiray.

Inkasta oo uu shaqadiisa watay, haddane hawada ayuu ka baxay gabi ahaanba, maadaamaa uusan hadli karayn.

Bishii Diseembar, xubin ka mid ah Aqalka Congresska Maraykanka ayaa hadal ninkan ku saabsan ka jeediyay gudaha Aqalka, taas oo keentay in shirkadda uu u shaqeeyo ay cusboonaysiisay dadaak codkiisa loogu soo celinayo.

Marka la gaaro 25 bishan June, Mr Dupree hawada ayuu ku laaban doona, waxaana dhagaysan doona dhagaystayaasha Raadiyaha WSB ee Atlanta, iyo raadiyeyaal kale oo ku kala yaala Orlando, Jacksonville, Dayton iyo Tulsa.

Haddii erey ama labo u shaqayn waayeen, waxa uu riixayaa batoon, oo uu ku badalanayo erey la micno ah ama u micno dhow, sidaasna wuxuu ku heli karaa codkiisa oo dhamaystiran.

Mr Dupree waxa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu codkiisa usoo laabto inkasta oo uu fahamsanyahay in uusan ahayn kiisii rasmiga ahaa.

ISHA BBC Somali