Halka uu ka dhici doono shirka Midowga Afrika iyo goorta oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa dalka Mauritania Xukuumadda dalkaasi ayaa hoggaamin doonta shir Madaxeedka Midowga Afrika oo ka qabsoomi doona magaalada Nouakchott.

Wargeysyadu waxa ay qoreen in Xukuumadu ay xaqiijisay in shirka ay kasoo qeybgali doonaan hoggaamiyeyaasha 30 dal ee qaaradda Afrika.

Xukuumadu waxa ay sheegtay in shirkaasi lagu qabanayo 30-ka bishan June magaalada Nouakchott ee xarunta dalka Mauritania.

Maxamed Amiin oo ah Afhayeen u hadlay xukuumadda ayaa sheegay in madaxweynayaasha 30 dal ee Afrika ay tilmaameen inay ka soo qeyb-galayaan shir madaxeedka Afrika.

Maxamed Amiin, waxa uu tilmaamay in Xukuumada Mauritania ay bixisay warqadaha casuumadaha si Madaxda Africa ay usii ilaaliyaan xiliga shirka, kaasi oo lagu wado in lagu qabto caasimadda Nouakchott dhamaadka bishan.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in shir madaxeedka Nouakchott ay ka soo qeyb gali doonaan madax kala duwan oo ka imaanaya qaaradaha dunida oo uu ka mid yahay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, kaasi oo Marti sharaf ahaan uga soo qeybgalaya shirka ay martigelineyso Nouakchott.

Sidoo kale, Xukuumada oo arrinta shirka si hordhac ah uga hadashay ayaa sheegtay in ajendayaasha ay ka midka yihiin xaaladda amni ee gobolka xeeba Afrika, Xaaladda amni ee wadanka Afrikada dhexe iyo Dadaalladii lagu soo celin lahaa deganaashaha dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Shir madaxeedkan qaaradda Afrika oo 30-ka bishan June lagu qaban doono magaalada Nouakchott, ayaa waxaa Khudbado ka jeedin doona Madaxda lagu marti qaday shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com