Kismaayo (Caasimadda Online) – Markabka laga leeyahay dalka isu taga Imaaraadka Carabta, islamarkAana sidA shixnad gargaar Raashin ah ayaa maanta ku soo xirtay Dekadda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hooe.
Markabkani oo ka soo shiraacday magaalada Abu Dubai ee xarunta dalkaasi ayaa la sheegay in uu sido 824 Raashin gargaar ah, kaas oo ay dolwadda Imaaraadku ugu deeqday maamulka Jubbaland.
Ilo rasmi ah oo ka tirsan Hay’adda Samafalka ee Khalifa Bin Zayid Al-nahyan Fondation ayaa sheegtay in Kaalmadda cuntada loo qeybin doono dadka aadka u baahan ee ay saamaysay Abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah Goballadda Jubbooyinka
Markabkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay dowladda Imaaraadka u soo dirto Soomaaliya, tan iyo markii uu xumaaday xiriirka labada dal, kaas oo ka dhashay go’aankii dhex dhexaadnimada ahaa oo ay DFS ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.
Balse tallaabadani ayaa u muuqata mid Imaaraadka uu doonayo in uu ku sii kala fogeeyo xiriirka u dhaxeeya dowladad dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kaas oo hada caga buuran aan ku taagneyn.
Caasimada Online
Xafiiska KIsmaayo
[email protected]