Mucaaradka DF oo qorshe cusub dejinaya kaddib sii dayntii QALBI-DHAGAX

Miuqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka dowladda uu hogaamiye Madaxweyne Maxmamed Cabdullahi Farmaajo oo isugu jira Xildhibaano iyo siyaasiyiin ayaa waxaa looga bartay iney dowladda ku mucaaradaan dhacdooyin iyo qorshe dowladda ay wado.

Dhiibistii Cabdikarim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax waxa ay mucaaradka ay u hadal hayeen si weyn iyagoo iska horkeenaya shacabka iyo madaxda dalka kuna mucaaradaya dowladda, balse hadda Qalbi dhagax waa xor oo dowladda Itoobiya ayaa sii deysay todobaadkii aynu ka soo gudbunay.

Sii deynta Qalbi dhagax kadib waxaa jirtay in Mucaaradka Dowladda qaarkood ay kula kulmeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo hadda uu ku suganyahay iyagoo ka dalbanaya in garabka Mucaaradka Dowladda Soomaaliya uu ku soo biiro.

Mucaaradka Dowladda ayaa diyaarinaya qorsheyaal kala duwan oo ay u adeegsanayaan dagaalka ay kula jiraan dowladda si ay uga gudbaan xaaladda cakiran oo ay ku sugan yihiin.

Waxaana qorshehaasi kamid ah in Dowladda ay ku mucaaradaan heshiiskii ay la gashay dowladda Itoobiya ee dhanka dekadaha iyo hadalkii muranka badan dhaliyay ee uu sheegay Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abyi Ahmed oo ahaa in labada dal la mideynayo.

Waxaa kaloo qorshaha mucaaradka Dowladda Madxweyne Farmaajo uu yahay iney aragti aan wanaagsaneyn shacabka ka siiyaan maalgashiga lagu sameynayo dekadaha dalka oo dowladda dhowr ah diyaar u yihiin iney maalgashaadaan sida Dowladda Qatar, Itoobiya iyo Imaaradka Carabta oo laga mamnuucay dekadii Berbera.

Go’aankii Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ay ugu dareen liiska Argagixisada ururka ONLF balse Itoobiya ay ka saartay ayaa kamid meelaha ay dowladda ka weerari doonaan.

Shaqada gudoonka golaha shacabka oo dhowr jeer ay ka hadleen ayaa kamid ah meelaha ay sida aadka ah u daneynayaan iyagoo sheegay in Gudoomiye Mursal iyo xukuumadda  Ra’isul wasaare Kheyre iney isku aragti iyo isku siyaasad yihiin waxaana ay tilmaameen in Baarlamaanka uu u gacan galay Xukuumadda Soomaaliya,  ujeedka mucaaradka ayaana ah in dagaalkooda siyaasadeed ee Mucaaradnimada ay ku helaan taageero Shacab.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Mucaaradka ah ayaa aad ugu kalsoon iney ku meel maraan mucaaradnimadooda iyagoo marwalba raadinaya Qodob ay Dowladda kaga soo horjeestaan, waxaase dhif iyo nadir ah iney dowladda ku taageeraan howlaha wanaagsan oo ay qabato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com