Muqdisho (Caasimada Online) –ย Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa ka hadlay suuragalnimada inay isku soo dhawaadan dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland.
Michael Keating, waxa uu sheegay adduunka oo idil inuu ka simanyahay inaan la kala jarin Somalia, balse si wada jira looga shaqeeyo midnimadooda.
Waxa uu tilmaamay in QM aysan ka suuroobeynin inay u ololeyso goโitaanka Somaliland isaga oo carab dhabay in goโaanka QM ee midnimada Somalia ay dhowr jeer gaarsiiyen Somaliland.
โQorshaha waxa uu yahay in laga fogaado wixii ka fog midnimada Somalia, waxaa lama huraan ku ah Soomaalida inay xal u helaan khilaafkooda oo ay ka shaqeeyan midnimada, waxa uu goโaanku yahay keliya in lamideeyo Somaliaโ
โSomalia iyo Somaliland wey isaga dhowyihiin sidii hore waxaan dooneynaa keliya in la dardar galiyo wadahadalada si loogaaro xalka aan fileynoโ
Michael Keating, waxa uu sheegay in wadada keliya ee Somalia u furan ay tahay inay xal ka gaaran khilaafka fogaaday, waxa uuna meesha ka saaray iney jirto rajo muujineysa in Somaliland lagu taageero gooni isku tag.
โAdduunku waxa uu ku dhiiranayaa inay midooban oo tuulooyin leysku bedelo, Somaliland-na waxa ay hamineysaa gooni isku tag, taasi ma suuroobi karto waxaanu dooneynaa Somalia oo nabad ahโ
Sidoo kale, Michael Keating, ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay xal degdeg ah u raadiso tabashooyinka Somaliland, waxa uuna cadeeyay in QM ay kaalin weyn ka qaadan doonto xal u helida muran Siyaasadeedka taagan.
Haddalka Michael Keating, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dhawaan Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ballanqaaday xal u raadinta tabashooyinka Somaliland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]