25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xukuumadda oo shaacisay musharraxa DF ee 2020-ka (Farmaajo mise KHEYRE?)

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay cidda doorashada soo socoto u matali doonto marka uu dalka qaato doorashada Xisbiyada.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane;Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo Maanta ka qeyb galay siminaar uu soo qaban qaabiyey Guddiga  Madaxabnaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya dhawaan ku dhawaaqi doonto xisbiga ay doorashada uga qeyb qaadan doonto.

Kamaal Daahir Guutaale oo ah Guddoomiyaha Xisbiga  Wadajir oo khudbad ka jeediyey Siminaarkaas ayaa bogaadiyey shaqada uu hayo Guddigga doorashooyinka madaxabanaan.

Kamaal ayaa kulnkaas ka sheegay inay u baahan yihiin inay dowladda Soomaaliya dhaqso ku dhawaaqdo xisbiga doorashada u matali doono iyo musharaxooda isago sheegay inay tartan adag la geli doonaan.

Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi oo khudbadda qaatay Kamaal kadib ayaa isna halkaas ka jeediyey jawaab culus  isagoo sheegay inay dowladda Soomaaliya soo wado xisbi tayo leh oo noqon doono midka ugu sareeyo dalka sida uu hadalka u dhigay.

Mahadi ayaa sheegay inay wadaan howsha diyaarinta xisbiga isla markasna ay dhawaan ku dhawaaqi doonaan.

Sidoo kale Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaliya ayaa kulanka ka sheegay in musharaxa xisbiga dowladda uu noqon doono Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waa markii ugu horeysay oo uu Mas’uul dowladda ka tirsan ka hadlo xisbiga ay dowladda hadda talada heyso sameysan doonto iyo hadda hoggaanka u noqon doonto inkastoo la saadaalinayo inuu xisbigaas noqon doono mid ay ku tartamaan madaxda ugu sareyso dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.

Waxaa macquul ah in madaxda ugu sareyso dalka ay sameystaan xisbiyo kala duwan maadaama Soomaaliya looga bartay in aad loogu loolamo kursiga madaxweynimo.

Waxaa laga war sugayaa xisbiga ay dowladda ku dhawaaqi doonto iyo qaabka uu noqon doono iyadoo la ogyahay inuu aad usoo dhow yahay waqtiga la sheegay inay ku eg tahay diiwaan gelinta xibsiyada .

- Advertisement -

Read more

Local News