Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu magaalada Asmara ee xarunta dalka Eriteria kula kulmay hoggaanka ugu sareeya jabhadda xoreynta Ogaden ama ONLF.
Dowladu waxa ay sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmay hoggaanka ONLF iyaga oo kawada hadlay arrimo dhowr ah.
Wasiirka Warfaafinta Somalia Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlaayay BBC-da ayaa xaqiijiyay in uu kulan dhex maray madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaanka ugu sareeya ONLF.
Wasiirka oo ku sugan magaalada Asmara ayuu sheegay in kulanka uu ahaa mid aanan horey loosii qorsheynin balse looga wadahadlay arrimo loo arkay inay ahaayen muhiim.
Wasiir Geelle ayaa yiri “Ugu horeyn madaxweynaha waxa uu kulan la qaatay hoggaanka sare ee ONLF, kaas oo ahaa mid aan horey loosii qorsheynin, markii aan halkan nimid ayay noo yimaaden, waana kulanay, aad iyo aad ayaa loosoo dhaweeyay, kulanka qeybtiisa hore mid furan ayuu ahaa anagana waan ka qeybgalnay, qeybta kale madaxweynaha ayay isku hareen, waxaana laga wada hadlay guud ahaan arrimaha Geeska Afrika”.
Wasiir Daahir Geelle waxa uu ka gaabsaday wararka sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu raali galin ka bixiyay xariga Qalbi-Dhagax balse waxa uu qiray in arrimaha Qalbi Dhagax la’ isla soo hadal qaaday.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka wasiirka ayaa soo baxay xilli warbaahinta Soomaalida ay aad u tabinayso war ku saabsan in madaxweyne Farmaajo uu raaligalin ka bixiyay dhiibistii dowladda Soomaaliya ay Ethiopia ugu dhiibtay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ah sargaal sare oo ONLF ka tirsan, markii dambena dowladda Ethiopia ay xabsiga kasoo daysay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]