Dhageyso: R/W Kheyre oo digniin culus siiyey wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Raโ€™iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta mar kale shaaciyey in xukuumadda federaalka Soomaaliya aysan aqbaleyn in la musuq maasuqa hantida qaranka, cidii ku kacdana tallaabo laga qaadi doono.

Waxa uu sheegay cid walba oo ka tirsan dowladda iyo kuwa iskudaya in ay musuq maasuq ku dhaqaaqaan in aysan calfan doonin, lagana dabi-tagi doono oo ay wajihi doonaan tallaabada ku habboon.

โ€œMa aqbaleyno in dalkan lagu dhaqo musuq maasuq, qof walba oo Soomaaliyeed ama wasiir ahaw ama cid kale ahaaw ee xil u haya dowlada ย Soomaaliyeed ee ku fikiraya in aad ku tagri-fasho xoolaha ummadda ama musuq maasuqdo, waxana kuu sheegayaa inaadan calfaneynโ€ ayuu yiri raโ€™iisul wasaare Kheyre.

Hadalka Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan masโ€™uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya loo xir xirey arrimo la xiriira musuq maasuq, kuwaas oo isugu jira Wasiiro,t aliyeyaal iyo kuwo kale.

Dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ayaa ah tii ugu horreysay ee masโ€™uuliyiin u xirta, una maxkamadeysa musuq-maasuq, waxaana hadda socda baaritaano lagu hayo xubno dhowr ah oo ka tirsan dowladda.

Hoos ka dhageyso codka raโ€™iisul wasaaraha Soomaaliya

Caasimada Online
Xafiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News