Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhow ka bilowday dhaqdhaqaaq ciidan.
Dhaqdhaqaaqa ciidan ayaa u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland oo waayadan isku horfadhiyay jiidaha dagaalka Tukaraq.
Xiisadan ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid culus, kadib markii ciidamada Puntland ay ilaa saaka aroortii isku fidiyeen deegaano dhowr ah.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen ciidamada Puntland oo saaka ku sii qulqulaya waqooyiga iyo koonfurta Tukaraq.
Waxa ay sheegen in ciidamadu ay wateen Gaadiid dagaal iyo Hub kala ceyn ah isla markaana ay fariisimo ka sameysteen goobo hor leh oo ku dhow halka ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland.
Dhaqdhaqaaqa dagaal ee hadda ka socda Tukaraq ayaa cabsi ku beertay Shacabka ku nool deegaanada gobalka Sool.
Sidoo kale, Ciidamada ayaa rasaas goosgoosa ridaaya iyadoo aanu jirin sabab keeni karta in rasaasta leys weydaarsado.
Dhinaca kale, bilihii ugu dambeeyey waxaa deegaka Tukaraq ee Gobolka Sool isku horfadhiyay ciidamada labada dhinac oo isku haya lahaanshiyaha Gobolka.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]