IMAARAADKA oo ka qeyb galay duqeyn ay Yahuudu u geysteen Marinka Gaza

Gaza (Caasimada Online) – Suxufi Israeli ah oo lagu magacaabo Edy Cohen ayaa shaaca ka qaaday in duuliye u dhashay dalka Imaaraadka Carabta uu ka qeyb-galay duqeyn ay ciidamada Yahuuda u geysteen marinka Gaza, sadeex toddobaad ka hor.

Suxufiga ayaa sheegay in duuliyaha duqeynta geystay uu tababar ku qaadanayey sida loo duuliyo diyaaradda F-35 ee Mareykanka uu sameeyo, balse Israel ay bareysay duuliyayaasha Imaaraadka, kadibna uu garaacay Gaza.

Qoraal uu soo dhigay twitter-ka ayaa Cohen waxa uu kula loolamaye ku xigeenka madax booliiska iyo amniga dadweynaha Imaaraadka Carabta General Dhahi Khalfan inuu beeniyo in duuliye Imaaraati uu ku jiray hawada markii ciidamada Israel ay duqeeyeen Marinka Gaza, saddex toddobaad ka hor.


Hadalka Cohen ayaa yimid maalmo kadib markii Jeneraalka Imaaraatiga ah uu Carabta ugu baaqay inay dareemaan xaqiiqda in Israel aysan dooneyn wax aan ahayn inay burburiso Carabta. Cohen ayaa u muuqday inuu muujinayey inay laba kala yihiin hadallada iyo ficillada Imaaraadka.

Cohen ayaa sidoo kale tweet-kiisa shaaca uga qaaday in Jeneral Khalfan uu ku lug lahaa khaarijintii sanaddii 2010 magaalada Dubai loogu geystay hoggaamiyihii Xamas Mahmoud Mabhouh.

Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa bilihii dhowaa si hoose xulufo ula ahaa Yahuudda, sida ay shaaca ka qaadee warbixinno dhowr ah.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com