Imaatinka Xasan oo 2 arrin hogaamin doona (Kacdoon iyo maqaamka Muqdisho)

Ex-madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu mudooyinkii dambe ku noolaa Turkiga iyo Tanzania, halkaas oo ay labadiis xaas degan yihiin. Maalmihii lasoo dhaafay wuxuu waday kulamo siyaasadeed oo xoogan waxaana la hadal hayaa inuu dhowaan imaan doono Muqdisho.

Waxaa la filaayay inuu Xasan Shiikh asbuucan imaan doono Muqdisho balse waxaa safarkiisa loo badalay asbuuca soo aadan. Xubno ka tirsan kooxdiisii Qabyo iyo shacab taageersan xukunkisii hore ayaa abaabul iyo diyaar garoow ka wada Muqdisho.

Imaatinka Xasan ayaa kusoo aadaya iyadoo bisha soo aadan uu dib u furmi doono Baarlamaanka Somalia, sidoo kale waxaa la filaya inuu bilaabi doono olole ka dhan ah Dowlada hada jirta. Bilihii lasoo dhaafay shirar ka dhacay Nairobi iyo Ankara ayaa lagu gorfeeyay sidii loo mideyn lahaa aragtida mucaaradka Somalia. Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Xasan Shiikh uu si ku meel gaar ah u hagi doono qorshaha mucaaradka.

Dadka aadka ula socda howlaha isbaheysiga mucaaradka ayaa sheegaya in Xasan uu imaanayo bilaawga kacdoon siyaasadeed oo ka dhan ah Kheyre iyo Farmaajo, sidoo kale waxaa la filaya in lasoo cusbooneysiiyo dooda maqaamka caasimada oo aad u xooganeyd xiligii uu Xasan xafiiska joogay. Kulan dhex mari doona isaga iyo odeyaasha dhaqanka ayaa laga yaabaa in arrintan lagu gorfeeyo.

Waxaa la aaminsanyahay inuu duulanka Xasan Shiikh waqtigiisii kasoo hormaray marka la eego xilliga la joogo iyo qofka uu Xasan yahay. Dad badan ayaa rumeysan in Xasan ay la gudboon tahay inuu sannad kale ka aamuso taliska madaxweyne Farmaajo oo aan wali u dhaqaaqin sidii loo bahnaa.

Waxey dad badan tusaaleynayan in arrintan ay sawir qaldan ka bixin karto shaqsiyada Xasan Shiikh Maxamuud.

W/Q: Abdullahi Osman Farah