Al-Jazeera oo daabacday XOG sir ah oo ceebeysay Sacuudiga iyo Imaaraadka

Talefishinka Caanka ah ee Al-Jazeera qeybtiisa Afka Carabiga ayaa soo bandhigay warbixin kashiftay sir badan oo ka dhan ah xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee weerarka ku qaaday dalka Yemen.

Warbixintaan ku qorneyd afka Carabiga ayaa waxaa idiin soo turjuntay Shabakadda Caasimadda Online waxayna u qorneyd sidaan:

Warbixin sir ah oo ceebeysay Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Yemen

Al-Jazeera ayaa heshay warbixin sir ah oo ay soo diraariyeen shakhsiyaad Militari ah oo la shaqeeyey  Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Yemen, warbixintaas oo ku saabsan Xaaladaha xabsiyada, xarumaha qarsoodiga ah iyo dadka sida qasabka ah loo wato.

Warbixintaan sirta ah ee la helay ayaa wadato caddeymo isugu jiro dadka xabsiyada ku jiro iyo qaar ka tirsan ciidamada Xulafadaan ee maamulo xabsiyada, waxayna warbixintaan sirta ah xoojisay baaritaanadii hore ee Associated Press.

Warbixintaan ayaa shaaca ka qaaday qaar ka mid ah dambiyada ka jiro  xabsiyadan qarsoodi ah ee koonfurta Yemen  taasoo ay maamusho Imaaraadka Carabta oo isku badalay Bakhaaro lagu iibiyo jirka bini’aadanka,  cabsi gelinta Maxaabiista iyo dadka lasoo afduubay iyadoo loo marayo jirdil iyo Xayiraad.

Sidoo kale warbixintaan ayaa lagu soo bandhigay Magacyada Goobaha, Qolalka qarsoodiga ah, dadka la xiray oo la dilay kadib jirdil iyo cadaab loo geystay, magacyada dadka maqan,  magacyada Mas’uuliyiinta sameeyey xadgudbkaan iyo Su’aalo la waydiiyey Maxaabiista.

Kufsi Qalab loo adeegsaday

Warbixintaan la helay ayaa lagu soo bandhigay qeybaha kala duwan ee Cadaabka jirdil ka ah ee ka jiro xabsiyada ay maamusho Imaaraadka oo ku yaalo dalka Yemen.

Xabsiyadaan ayaa waxaa ka jiro kufsi dadban oo loo adeegsaday qalab sida ulo Nimanka iyo Gabdhaha  loo isticmaalo iyadoo laga gelinayo xubinta taranka halka raggana laga geliyo xubinta Saxarada, sidoo kale waxaa ka jiro kufsi toos ah oo ay sameeyaan shakhsiyaad.

Sidoo kale xabsiyadaan ayaa waxaa ka jiro cadaab kii ugu xumaa oo ah in dadka maqaarka looga siibo Koronto sida Xabadka, Kilkilaha iyo xubnaha taranka.

Sidoo kale waxaa maxaabiista lagu garaacaa Ulo, Fiilooyin iyadoo looga garaacayo qeybaha kala duwan ee jirka bini’aadamka si gaar ah madaxa .

Cusbo iyo Suugo kulul:

Sidoo kale daldalaada waa mid kamid ah waddooyinka lagu ciqaabo Maxaabiista, sidoo kalana waxaa kamid ah ciqaabta maxaabiista in cusbo iyo suugo kulul looga  shubo meelaha dhaawacan ee jirka, hurdada iyo daawada oo loo diido.

Sidoo kale aaladaha loo isticmaalo ciqaabta maxaabiista ayaa waxaa kamid ah Dharbaaxyo , Haraati, Biyo kulul oo lagu shubo jirka, Cay iyo aflagaado.

Gubista Lafaha

Xabsiyada qarsoodiga ah ee hoos yimaada Kormeeraha amniga Gobolka Aden  Cali Saleh  oo  daacad u ah Imaaraadka Carabta, dadka maxaabiista ah ayaa waxaa lagu soo rogay ciqaab joogto ah oo ka kooban: Maqaarka oo looga siibo biro kulul iyo Koronto,  Lafaha oo lagu burburiyo dhagxaan iyo gubista lafaha, Jirka oo lagu gubo Balaastiko dhalaaleyso, Maxaabiista oo la geliyo goobo lagu magac daray (Cadaadiye) sidoo kalana waxaa lagu xiraa qalab lagu dhibaateeyo xaniinyaha dhanka  kalana waxaa cirbado looga mudaa ciyadaha hoostooda.

Tacadiyada loo geysto maxaabiista ayaa waxaa hormuud u ah nin lagu magacaabo Cowd Rishad kaasoo lagu naaneyso (Bahal), sidoo kalana waxaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dilalka loo geysto maxaabiista.

Ninkaan ayaa u qaabilsan Imaaraadka in la qariyo dadka la dilay iyo kuwa lasoo qabtay, wuxuuna inta badan howshaas u adeegsadaa in kale oo lagu magacaabo (Cali Al-Imaaraatiye).

Sidoo kale waxaa cadaabta kamid ah inay maxaabiista ka cabanayaan nadaafad darro, daryeel caafimaad la’aan,  iyo inaan xabsiyada laga heli karin biyo nadiif ah.

Dil Jirdil ah:

Warbixinta ayaa lagu xusay magacyada 47 qof oo ku dhintay xabsiyada kadib jirdil xooggan oo loo geystay,  19 kamid ah ayaa waxaa dilkooda Mas’uul ka ahaa Hoggaamiyaha Amniga u qaabilsan Imaaraadka oo lagu magacaabo Yusran Al-Maqtari. Halka isbaheysiga uu fuliyey dilka  6 qof.

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu xusay magacyada iyo meesha ay ku yaalaan Shan Qabuur oo lagu aaso dadka ay dilaan Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Dhanka kale waxaa warbixinta lagu xusay magacyada 26 qof oo aan ilaa hadda la garaneyn waxa ay ku sugan yihiin, waxaana kamid ah 3 qof oo Ajnabi ah.

Xabsiyo

Warbixintaan ayaa waxaa lagu xusay 27 Xabsi oo isugu jiro kuwa hore iyo kuwa cusub kuwaas oo ku yaalo Aden, Hadramout, Socotra  iyo Jaziirada Muyun  oo ku taal Baabu Mandab.

Waxaa sidoo kale jiro xabsi ku yaal dalka Eretria oo ay saldhig Militari ku leedahay Imaaradka Carabta taasoo lagu sheegay warbixinta lana geeyo qaar kamid ah dadka laga soo qabto Yemen.

Daldalayaal Imaaraadka u dhashay

Dadka soo diyaariyey warbixintaan ayaa soo bandhigay Magacyada iyo  naaneysyada daldalayaal  mas’uul ka ah ciqaabta loo geysto Maxaabiista, waxaana shakhsiyaadkaas kamid ah  kuwa naaneystooda ay muujineyso  inay jinsiyad ahaan kasoo jeedaan Imaaraadka sida “Al-Shaxi” iyo “  Balooshi” oo ah Naaneysyo laga isticmaalo Imaaraadka.

 Baarayaal Mareykan ah

Sidoo kale warbixintaan ayaa lagu xusay in cadaabta ka jirto xabsiyada Yemen oo ay gacanta ku hayaan Imaaraadka ay soo kormeereyn ilaa 22  baarayaal oo ka kala socday Mareykanka, Suudaan , Sacuudiga iyo kuwa kasoo jeedo Imaaraadka.

Halkaan ka akhriso warbixinta oo Carabi ah oo ay qortay Al-Jazeera

تقرير سري يفضح التحالف السعودي الإماراتي باليمن