ILHAAN CUMAR oo guul TAARIIKHI ah ka gaartay doorasho xalay dhacday

Bookmark
Bookmarked

Share

Minnesota (Caasimadda Online) – Ilhan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa u muuqata in ay noqon doonto gabadhii ugu horreeysay oo Muslin ah oo loo doorto aqalka Congress-ka Mareykanka kaddib markii ay ku guuleysatay doorashada horudhaca ahayd ee xisbiga Dimuqraadigaย  ee kursiga shanaad ee Minnesota talaadadii.

Ilhaan Cumar oo ay daโ€™deedu tahay 36 ayaa ah Soomaali Mareykanka ku soo gashay qaqaxootinimo iyada oo daโ€™yar, waxa ay ka adkaatay lix musharax si ay u buuxiso booska uu hadda ugu jiro xisbiga Jamhuuriga Keith Ellison.

Ellison waxa uu goโ€™aansaday in uu u tartamo xeer ilaaliyaha guud ee Minnesota halkii uu ku soo laaban lahaa Congress-ka; waxa uu la kulmay eedeemo la xiriira tacadiyo maxali ah maalmihii ugu dambeeyey ee olโ€™olihiisa.

Ilhaan Cumar waxa ay u muuqataa in ay hadda iyada cid aan ahayn ku soo bixi doonin kursigaas bisha November doorashada dhici doonta.

Waxa ay ku biiri doontaa Rashida Tlaib oo noqotay gabadhii ugu horreeysay oo Muslin ah oo loo doorto aqalka Congress-ka.

Tlaib waxa ay doorashooyinka horudhaca ah ku guuleysatay toddobaadkii hore si ay u bedesho Jogn Conyers oo Jamhuuri ah kaas oo fadeexado lagu helay kaddibna is casilay.

Congress-ka waxa ay hadda leeyihiin laba xildhibaan oo Muslim ah โ€“ labada oo uu ka mid yahay Ellison waa rag.

Ilhaan Cumar waa gabadhii ugu horreeysay oo Soomaali American ah oo loo doorto kursiga xildhibaannimo ee gobolla Minnesota ama kursi dhan oo loo tartamo oo Mareykan ah.

Dhanka kale, Maxamuud Nuur, oo isna ah Muwaadin Soomaali-Mareykanka ah ayaa ku guuleystay Kursigii Ilhan Cumar baneysay ee [60B district], ee Gollaha Sharci-dejinta gobolkaย Minnesota.

Sidoo kale, Hodan Xasan, oo ah Gabar Soomaali-Mareykanka ah ayaa ku guuleystay kursiga [62A district] ee Gollaha Sharci dejinta Minneapolis, waxaana saddexda qof ay noqdeen kuwa guushooda aad u farxad gelisay jaaliyadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Minnesota
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News