Maxaa isbadalay ?
Sida ilo xog ah inoo xaqiijiyeen Asad Yuusuf Afrax, oo ahaa la taliyaha wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, ayaa loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta, Magacaabistan waxaa soo jeedinteeda lahaa wasiirka qorsheynta, waxaana lagu wargeliyay xafiiska Ra’iisul wasaaraha, inkastoo aan si cad loo shaacin, haddana xubno ka tirsan xafiiska wasaaradda qorsheynta ayaa inoo xaqiijiyay.
Taasi wey ka duwan tahay tartankii Ra’iisul wasaare Kheyre uu u magacaabay guddi ka kooban 11 xubnood.
Magacaabista shaqsiyaadka ee xilalka dowladda, ayaa ku saleysan nidaamka awood qeybsiga Beelaha, laakiin xulashada shaqsiga xilka loo magacaabayo ayaa ku imaan kara aqoon gaar ahaaneed oo loo leeyahay, haddii aan loo tartamin.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in la qorsheynay in si farsameysan loo magacaabo agaasimayaasha wasaaradaha, waxaana hadda la filayaa in todobaadyada soo socdo la magacaabo afar agaasimayaal haddii aysan wax is badalin.
Magacaabidda xilalka agaasimayaasha ayaa gabi ahaanba meesha ka saari doonto hamigii laga lahaa in tartan loo galo xilalka agaasimayaasha wasaaraddaha.
Arrinta kale ee meesha ka saareyso tartanka wasaaradaha ayaa ah in shaqsi Si KMG ah loogu magacaabo xilka agaasimaha wasaaradda, kadibna isaga uu kusii shaqeeyo muddo sanado ah xilka loogu dhiibay Sida KMG ah, kadibna isaga la magacaabo.
W/D Mohamed Isse Mohamud
[email protected]