Shirkad saldhiggeedu yahay jasiiradda Qubrus ย oo horay 2013-kii heshiis kula gashay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya dhismaha 6 markab oo kuwa roondada xeebaha ah ayaa sheegtay in Soomaaliya ku dacweyn-doonto heyโadda kala saarta dacwadaha oo ku taalo dalka Holland kadib markii ay Muqdisho ixtiraami-weysay heshiiska labada dhinac.
Warqad la soo gaarsiiyey Caasimada Online, oo ku taariikheysan August 22, 2018 waxaa loo diray wasiirka gaashaandhigga Xassan Maxamed iyo safiirka Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Faqi.
Shirkadda Amo Shipping Company (AMOSC),ย waxaa ay qoraalka ku sheegtay inay dowladda ku wergeliysay inay dacwadda la aadeyso heyโadda ku shaqada leh arrimaha rarka iyo u kala gar-qaadidda arrimaha badda ee loo yaqaano Transport and Maritime Arbitration Rotterdam-Amsterdam (TAMARA) ee Holland , waxaa loo gudbinayaa sidoo kale nuqulka heshiiskii ay AMOSC ย iyo dowladda Soomaaliya wada galeen July 29, 2013.
Maxayย Shirkadda AMOSC Rabtaa?
Shirkadda AMOSC, waxaa ay dooneysaa inay hesho โฌ 132 million oo lagu daray dul-saar dhan โฌ 24.6 million, lacagtaas oo aheyd in la bixiyo intii u dhaxeysay July 29, 2013 ilaa March 2018, lacagta dollar ahaan waa $183ย Milyan.
AMOSC waxaa ay rabaa mar hore heyโadda ku qasabto Soomaaliya inay bixiso โฌ 66 million oo ahey lacag aayar loo bixinayey, marka 2baadna ย inay soo saaro warqad aan dib loo celin oo deyn oo ku qorantahay ย โฌ132 million ah ama haddii ay lacagtaas โฌ132 million-ka ah ay Soomaaliya toos u bixineyso keliya ku lifaaq โฌ66 million sida ku qorneyd heshiiska ay markii hore 2bada dhinac wada galeen.
Sida ku qoran heshiiska, Soomaaliya waxaa ay aheyd in ay qorto warqad ay lacagta uga deynsaneyso Bank of Geneva, Switzerland, laakin weli ma qorin, waa iska aamustay.
Heshiikan 6da markab ah, waxaa dowladda federaalka ah u saxiixay 2013-kii wasiirkii gashaandhigga Cabdixakim Xaaji Fiqi, waxaana goobjoog ka ahaa Admiral Faaraxย Axmed Cumar (Faarax Qare), shirkadda waxaa ay dhameysay shaqada 2 weji oo midkiiba ku kacayo โฌ33m, xiriir badan oo dowladda la soo sameysayna waxaa ay sheegeysaa in aan laga jawaabin, oo ballantii looga baxay.
May 6, 2018 iyo Dalabkii โฌ90.6m:ย Warqad digniin ah oo ay AMOSC soo gaarsiisay Goobjoog News waxaa ay soo dirtay March 13, 2018, shirkadda waxaa ay dowladda federaalka ah ka dalbatay xilligaas lacag dhan ย โฌ66 million iyo lagu daray โฌ24.6 million oo dul-saar ah oo muddo lix sano ah, warqadda oo la soo mariyay safiirkeenna midowga Yurub ย Dr. Ali Said Faqi waxaa gacanta laga saaray wasiirkii gashaandhigga Maxamed Mursal laakin kama jawaabin.
Shirkadda AMOSC, waxaa ay ku doodeysaa in heshiiska uu labo dhinac ahaa, sidaasi darteedna aaney ka bixi Karin dowladda federaalka ah.
Dhankooda,ย wasiirro iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah oo la hadlay Goobjoog News, waxaa ay qireen inuu jiro heshiiskaas, laakin waxaa ay diideen inay ka hadlaaan.