Gudoomiyaha maxkamada sare oo ku dhawaaqay in uu isbeddelo sameynayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku dhawaaqay in isbedel degdeg ah lagu sameyn doono Garsoorka iminka ka shaqeeya dalka.

Gudoomiye Baashe, waxa uu sheegay in Garsoorka hadda ka jira dalka uu yahay mid ku shaqeeya nidaamyo ka duwan kan saxda ah.

Baashe oo ka hadlaayay isbedelka la doonaayo in lagu sameynaayo Garsoorka ayaa sheegay inay muhiim tahay in lagu sameeyo sixitaan si loogu adeego shacabka.

Waxa uu tilmaamay in dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira mid walba uu ku shaqeeyo Garsoor isaga uu sameysatay taasina ay halis ku tahay dalka.

Dowladda Somalia ayuu sheegay inay rajo weyn ka qabto in ay la timaado isbedel dhinaca Garsoorka dalka ah, isagoo sheegay in mudada uu heyn doono xilka uu sameyn doono isbedel dhab ah.

Sidoo kale, Baashe waxa uu ku dhawaaqay in isbedelka Garsoorka uu noqon doono mid farxad galiya shacabka loogu adeegi doono Garsoorka.

Si kastaba ha ahaatee, Baashe ayaa carab dhabay in haatan la wado qorsho ah mideynta Garsoorka dalka, iyadoo hal Garsoor uu ka dhaqan gali doono dalka oo idil.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com