Koonfur Galbeed oo digniin u dirtay msuharraxiinta

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa markii ugu horeysay soo saaray digniin ka dhan ah Musharaxiinta la tartameysa Hoggaamiyaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Digniinta oo kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Booliska maamulka Koonfur Galbeed Jeneral Mahad C/raxmaan Aadan ayaa waxaa lagu mamnuucay in Musharaxiinta ay sameystan ciidamo u gaar ah.

Taliyaha waxa uu sheegay inay mamnuuc tahay in Musharaxiinta tartameysa ay sameystaan ciidan u gaar ah, iyaga oo aan ku soo wargelin Taliska Booliska.

Wuxuu sheegay ciidamada Booliska Koonfur Galbeed in ay wadan dadaal ku aadan sidii loo xoojin lahaa amniga, sidaasi darteedna looga baahanyahay musharaxiinta inay ka shaqeeyaan nabadda, islamarkaana aanan loo baahneyn in qof walba uu uruursado ciidan u abaabulan hab beeleed.

Sidoo kale, Taliyaha Booliska General Mahad ayaa qoraalka kasoo baxay Xafiiskiisa ku sheegay inay diyaar yihiin inay ilaaliyaan musharaxiinta, islamarkaana siiyaan ciidan Boolis ah oo u gaar ah.

Wuxuu tilmaamay marba hadii ay dhisan yihiin ciidan dowladeed inaanan loo baahneyn ciidan beeleed, si isku dhac uusan u imaan.

Haddalka iyo qoraalka Taliyaha Booliska ayaa imaanaya xili maamulka Koonfur Galbeed la filaayo in 17-ka bisha November ee sanadkan ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com