Gaari uu ahaa mas’uul ka tirsan maamulka Sh/hoose oo Xamar lagu qarxiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax gaari ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, gaar ahaan xaafadda Nuur Aduunyo ee degmada Dharkeenley.

Qaraxa oo ahaa mid intiisa badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka dhashay miino nooca dhajiska oo lagu xiray gaari raaxo.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in nooca Gaariga lagu xiray Qaraxa uu ahaa Sruf, kaa oo uu lahaa Gudoomiye ku xigeenka G/Shabeellaha Hoose  Cabdifitaax Xaaji Cabdulle.

Gaariga ayaa Qarxay xili uu horyaalay guri ku yaala  Xaafadda Nuur Aduunyo, iyadoo milkiilihaa loogu xiray Qaraxa uu wargaliyay ciidamada Ammaanka ee degmada.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay laba Askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada kuwaa oo xiliga Qaraxa ku howlanaa sida ay Gaariga uga furi lahaayen Qaraxa lagu dhajiyay.

Sidoo kale dhaawacyada labada askari ayaa la dhigay isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa inay kamid ahaayen ciidamada Degmada.

Si kastaba ha ahaatee, Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa xiligaan u badan nooca dhajiska ee gaadiidka raaxada loogu xiro shaqaalaha DFS.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com