Gobolka Soomaalida dalka Ethiopia: Hal bil iyo saddex madaxweyne (Warbixin)

Ismaamulka Soomaalida waxaa bil gudaheed soo maray seddex madaxweyne, ka dib rabshado keenay dhimasho iyo dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac salka ku haya kala shaki dhinaca isirka ah.

Arrintaas waxay ka dhalatay markii Jigjiga ay ka billowdeen rabshado u xuubsiibtay boob iyo bililiqo baahsan.

Maamulka madaxweynihii hore, Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuu eedda rabshadihii dhacay dusha ka saaray dawladda dhexe ee federaalka Itoobiya.

Waxaa isla wakhtigaas iyagana billowday wadahadallo ay magaalada Diri-dhabe ku yeesheen odayaal iyo dhallinyaro ka soo horjeeday nidaamkii Cabdi Maxamuud Cumar.

Ugu dambayntiina, wuxuu Cabdi ku dhawaaqay 8 sano oo uu gobolka xukumayey ka dib inuu xilka ka degey, ka dib culays badan oo la soo dersay.

Maalmo ka dib waxaa Cabdi laga dhoofiyey Jigjiga, waxaana loo qaaday Addis Ababa, halkaasoo muddo gaaban oo xabsi guri uu ku jiray ka dib maxkamad la soo taagay.

Dacdaw oogayaasha ayaa weydiistay maxkamadda in ay siiso 14 maalmood oo ay ku soo dhamaystiraan caddaymaha dacwadda ay ku oogayaan Cabdi Maxamuud Cumar iyo lix qof oo kale, waxayna dalbadeen in xabsiga lagu sii hayo, maxkamadduna way ka aqbashay codsigaas.

Dhinaca kale, waxaa iyaguna socday isku dhacyo meelo kala duwan laga soo sheegay, waxayna u dhaxeeyey Soomaalida iyo Oromada, kuwaasoo aan weli xal laga gaarin.

Waxaa si degdeg ah oo KMG ah loogu magacaabay madaxweynenimada gobolka, Axmed Cabdi Maxamed (Ilkacase) oo ah nin dhallinyar oo maamulka ilaa jago wasiirnimo ka soo qabtay, hase yeeshee wax badan xilka ma uusan sii haynin.

22kii bishan Agoosto ayaa xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya wuxuu Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar) oo ahaa sarkaal u shaqaynayey Qaramada Midoobay u xushay madaxtinimada ismaamulka Soomaalida.

Sidoo kale Axmed Shide oo ah wasiirka warfaafinta ee dawladda federaalka ayaa loo magacaabay inuu hogaamiyo xisbiga, waxaana durbadiiba laga saaray xubno loo arkayey inay ku feker yihiin madaxweynihii hore.

Dikareeto cusub oo uu todobaadkii iminka dhamaaday soo saaray Mustafe cagjar wuxuu xilka kaga qaaday saraakiil muhiim ah oo uu ku jiro taliyihii awoodda badan lahaa e ciidanka Liyu booliska, C/raxmaan laba Go’le.

Warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in la kala diri doono ciidankaas oo uu abuuray madaxweynihii hore.

Tallaabooyinkan oo dhan ayaa loo arkaa in ay salka ku hayaan isbeddellada uu dalka ku soo rogay ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya, Abiy Axmed, oo isaga qudhiisa xukunka qabtay dabayaaqadii bishii Abril ee sannadkan, ka dib markii loo caal waayey mudaaharaadyo rabshado watay oo ka dhacayey deegaannada uu ka soo jeedo ee gobolka Oromada.

Rabshadahaas waxay keeneen in ninkii isaga ka horreeyey, Hailemariam Desalegn uu is casilo, waxaana Abiy loo arkayey nin magacaabidiisa ay rabshadahaasi dejin doonaan.

Dadka ku fikirka ah Cabdi Maxamuud Cumar waxay qabaan in rabshadahaas iyo cawaaqibkii ka dhashay ay yihiin waxa fidnada ka bilaabay dhulka Soomaalida, halka kuwa ku kacsan Cabdina ay ku doodayaan in Cabdi Maxamuud Cumar uu sababsaday siddeed sano oo dhulka Soomaalida ay ka dhacayeen xadgudbyo iyo cabburin dhan ka ah xuquuqul aadanaha.

Madaxda cusub waxay iminka ku beer laxawsadeen dadka in ay soo celinayaan dhamaanba waxyaabihii uu nidaamkii hore mamnuucay sida calankii hore, heesta calanka iyo maalmaha fasaxyada ee todobaadka.

Haddaba dadka badankiis waxay aaminsan yihiin in xal uu imaan doono aakhiritaanka, hase yeeshee su’aashu waxay tahay intee buu qaadan doonaa?

BBC Somali