Qulub-qanaad, Fowdo, Is-eedeysi iyo Isbaaro Siyaasadeed waa Hab-dhaqan Siyaasadeed aan ka duugoobin Somalia, waxaana taasi laga dheehan karaa sida ay Madaxda DFS iyo kuwa Dowlad Goballeedyadda Federalka (DGF) ku kala Aragti duwan yihiin.
Haatan, Madaxda DFS iyo kuwa DGF waxay u muuqdaan kuso aan Towfiiq Siyaasadeed iyo Hiigsi Dowladnimo lahayn, waxayna u muuqdaan 2 koox oo uu ka dhexeeyo Hardan Siyaasadeed.
Waa naadir inay Talo Wadaag Mideysan yeeshaan, waxayna had iyo jeer Shirarkooda bud-dhiga uga dhigaan Isqancinta Shaqsiyadeed ama Kooxeed, waxaana War-murtiyeed kasta lagu soo qoraa hadba Mas’uul kasta waxa uu ka dhex arki karo Danahiisa iyo tan Isbahaysigiisa.
Madaxda DFS oo iyagu ah Hay’adda Hoggaamineed ee ugu sarraysa Waddanka ayaa loo arkayaa inay baylihiyaan Fursadaha Mas’uuliyadeed, waxayna dhufays kaga jiraan sidii ay isaga moosi lahaayeen Mu’aamarada Siyaasadeed ee Hoggaamiyayasha DGF, kuwaasi oo iyagu Gole Isbahaysi u samaystay si ay kula loolamaan Dhaqdhaqaaqa Horumarka ee ay DFS ku tallaabsato.
Kulankii Madaxda DGF ee Golaha Iskaashiga iyo War-murtiyeedlii laga soo saaray magaalladda Kismaayo ayaana sababay in Khilaaf Siyaasadeed mar kale cagaha lala galo, waxayna Maamul-gobaleedyadda si dhiiranaan leh u go’aansadeen inay hakiyeen Xirirkii ay la lahaayeen Dowladda Dhexe, taasina waxa uu Tusaale u noqotay Karar-dhaafka Khilaafka labada dhinac.
Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan inay Madaxda DGF uga dan leeyihiin Khilaafka, si ay Tashwiish u furan iyo inaysan DFS faraha la soo gelin Doorashadda ku soo fool leh Madaxweynayaasha Puntland, K/Glabeed iyo Jubbaland, iyadoo la sheegayo inay Murashixiin loo xaglinayo DFS kaalin firfircoon kaga jiraan Ololaha Doorashooyinkaasi.
Qeylo-dhaantaasi ayaa u muuqata Gorgortan ay Madaxda Maamul-gobaleedyadda ugu jiraan si ay DFS uga helaan Kalsooni lagu af-jari karo cabsidooda ku aadan inay xilalkooda ku waayaan Doorashooyinka ku soo fool leh.
Sidoo kale, Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isagana dareensan Dhaqdhaqaaqa Mideynsan ee Madaxda DGF, wuxuuna aad uga caraysan yahay sida ay Madaxdaasi u laaleen 2-dii Casuumaad ee uu u fidiyey, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo dhawaan afka furtay, isagoo arrintaasi ka muujiyey Xanaaq Siyaasadeed.
Waxa uu si aan gambasho lahayn u sheegay inay jiraan Siyasiyiin Xanaaqsan oo aan oggolayn Nabadda iyo dadaalka Ciiddamadda DFS ku soo celinayaan Nabadda.
Xeeldheerayaasha ayaana rumeysan in ay Madaxweynaha ka idlaatay Dulqaadkii Dimuqraadiyadda, isla markaana uu Xasaasiyad ka qaaday Hab-dhaqanka Madaxda Maamul-gobaleedyadda iyo Siyaasiyiinta kale ee Xisbiyadda Mucaaradka ee had iyo jeer dhaliisha la daba-taagan DFS ee hayinka dalka haya qiyaasitii wax ku dhow 2-sanno.
Bal qiyaas, Ficiladooda Is-mucaaradka ah waxa uu ku soo xusuusinayaa Xilligii Hoggaamiyayaashii Hubeysnaa (Qabqablayaasha Kooxaha), kuwaasi oo iyagu Waayahooda u kala qoqobay Waddankeenna sidii Saldanad Beeleed oo kale.
Si kastaba ha ahaatee,Is-maandiidka Siyaasiyiinta Muxaafidka iyo kuwa Mucaaradka ma wada leh Dhaqan ay Hayinka ugu wada qaban karaan Hoggaaminta Qaranka iyo Hiigsiga Doorashadda sannadka 2020-ka ee Hal qof iyo Hal Cod (One Man and One Voice).
W/Q: Cabdullaahi Xuseen Muudeey
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid