Qarax culus oo ka dhacay magaalada MUQDISHO

Qarax xooggan ayaa wuxuu goor dhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dayniile, Agagaarka Wasaarada Difaaca Soomaaliya sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari,Halka warar kalena ay sheegayaan in uu ahaa Qarax Miino.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimadda Online u sheegay inuu qarax ahaa gaari weyn oo lala eegtay Wasaaradda Gaashaandhigga inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegayo inuu bartilmaameedka ahaa Baabuur Gaashaaman oo ay wateen Ciidamo Caddaan ah oo ka socday dalka Talyaaniga kuwaas oo watay Gawaari ilaa 4 xabo ah.

Khasaaraha ugu badan ee qaraxaas ayaa wuxuu gaaray Arday aad u badan oo kasoo baxay Jaamacado iyo Iskuul kuwaas oo marayey Aargada Dayniile.

Qarax ayaa ahaa mid xooggan oo laga maqlay guud ahaan Muqdisho iyo deegaanada u dhow, waxaana mar qura hawada is qabsaday hoolaca iyo qiica Qaraxa

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Onloine