Siyaasiyiinta muxaafidka & mucaaradka u ekaa isma dhaanto iyo dhasheed

By Asad Cabdullahi Mataan

 Qulub-qanaad, Fowdo, Is-eedeysi iyo Isbaaro Siyaasadeed waa Hab-dhaqan Siyaasadeed aan ka duugoobin Somalia, waxaana taasi laga dheehan karaa sida ay Madaxda DFS iyo kuwa Dowlad Goballeedyadda Federalka  (DGF)  ku kala Aragti duwan yihiin.

Haatan, Madaxda DFS iyo kuwa DGF waxay u muuqdaan kuso aan Towfiiq Siyaasadeed iyo Hiigsi Dowladnimo lahayn, waxayna u muuqdaan 2 koox oo uu ka dhexeeyo Hardan Siyaasadeed.

Waa naadir inay Talo Wadaag Mideysan yeeshaan, waxayna had iyo jeer Shirarkooda bud-dhiga uga dhigaan Isqancinta Shaqsiyadeed ama Kooxeed, waxaana War-murtiyeed kasta lagu soo qoraa hadba Mas’uul kasta waxa uu ka dhex arki karo Danahiisa iyo tan Isbahaysigiisa.

Madaxda DFS oo iyagu ah Hay’adda Hoggaamineed ee ugu sarraysa Waddanka ayaa loo arkayaa inay baylihiyaan Fursadaha Mas’uuliyadeed, waxayna  dhufays kaga jiraan sidii ay isaga moosi lahaayeen Mu’aamarada  Siyaasadeed ee Hoggaamiyayasha  DGF, kuwaasi oo iyagu  Gole Isbahaysi u samaystay si ay kula loolamaan  Dhaqdhaqaaqa  Horumarka ee ay  DFS  ku tallaabsato.

Kulankii Madaxda DGF ee Golaha Iskaashiga  iyo War-murtiyeedlii  laga soo saaray magaalladda Kismaayo ayaana sababay in  Khilaaf Siyaasadeed mar kale  cagaha lala galo, waxayna Maamul-gobaleedyadda si dhiiranaan leh u go’aansadeen inay hakiyeen Xirirkii ay la lahaayeen Dowladda Dhexe, taasina waxa uu Tusaale u noqotay  Karar-dhaafka Khilaafka labada dhinac.

Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan inay Madaxda DGF uga dan leeyihiin Khilaafka, si ay Tashwiish u furan iyo inaysan DFS faraha la soo gelin Doorashadda ku soo fool leh Madaxweynayaasha Puntland, K/Glabeed iyo Jubbaland, iyadoo la sheegayo inay Murashixiin loo xaglinayo DFS kaalin firfircoon kaga jiraan Ololaha Doorashooyinkaasi.

Qeylo-dhaantaasi ayaa u muuqata  Gorgortan ay Madaxda Maamul-gobaleedyadda ugu jiraan si ay DFS uga helaan Kalsooni  lagu af-jari karo cabsidooda ku aadan inay xilalkooda ku waayaan Doorashooyinka ku soo fool leh.

Sidoo kale, Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo  ayaa isagana dareensan Dhaqdhaqaaqa Mideynsan ee Madaxda DGF, wuxuuna aad uga caraysan yahay sida ay Madaxdaasi u laaleen 2-dii Casuumaad ee uu u fidiyey, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo dhawaan afka furtay, isagoo arrintaasi ka muujiyey Xanaaq  Siyaasadeed.

Waxa uu si aan gambasho lahayn u sheegay inay jiraan Siyasiyiin Xanaaqsan oo aan oggolayn Nabadda iyo dadaalka Ciiddamadda DFS ku soo celinayaan Nabadda.

Xeeldheerayaasha ayaana rumeysan in ay  Madaxweynaha ka idlaatay Dulqaadkii Dimuqraadiyadda, isla markaana uu Xasaasiyad ka qaaday Hab-dhaqanka Madaxda Maamul-gobaleedyadda  iyo Siyaasiyiinta kale ee Xisbiyadda Mucaaradka ee had iyo jeer dhaliisha la daba-taagan DFS ee hayinka dalka haya qiyaasitii wax ku dhow 2-sanno.

Bal qiyaas, Ficiladooda Is-mucaaradka ah waxa uu ku soo xusuusinayaa Xilligii Hoggaamiyayaashii Hubeysnaa (Qabqablayaasha Kooxaha), kuwaasi oo iyagu Waayahooda u kala qoqobay  Waddankeenna sidii Saldanad Beeleed oo kale.

Si kastaba ha ahaatee,Is-maandiidka Siyaasiyiinta Muxaafidka iyo kuwa Mucaaradka  ma wada leh Dhaqan ay Hayinka ugu wada qaban karaan Hoggaaminta Qaranka iyo Hiigsiga Doorashadda sannadka 2020-ka ee Hal qof iyo Hal Cod (One Man and One Voice).

W/Q: Cabdullaahi Xuseen Muudeey

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid