DF oo ku celisay dalabkii ka carreysiiyey JABUUTI

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa mar kale adduunka ka dalbatay in il gaara lagu eego arrinta Dowlada Eriterea isla markaana laga qaado cunaqabateynta saran.

Dowladu waxa ay tilmaantay in Somalia ay dhinacyo badan ka eegeyso baahida xiligan loo qabo in cunaqabateynta laga qaado Eriterea.

Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad, ayaa hadalkaas ku sheegay khudbad uu ka jeedinaayay shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey waxa uuna ku baaqay in cunaqabateynta laga qaado Eriterea.

Wasiir Cawad, waxa uu tilmaamay in cunaqabateynta laga qaada Eriterea ay ka dhigan tahay albaabo nabadeed hor leh oo u furma dalalka  Geeska, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia, Workneh Gebeyehu, ayaa isna shirka ka sheegay inay muhiim tahay in lasoo dadajiyo wado waliba oo cunaqabateynta looga qaadi lahaa Eriterea waxa uuna soo jeediyay in la garab istaago isbedelada ka socda Geeka.

Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea  Cismaan Saalax, ayaa isaguna dhamaan Khudbaddiisii Golaha guud ee Qaramada Midoobey uga hadlay cunaqabeynta oo uu sheegay in ay tahay mid sharci darro ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo isna Jabuuti ku matalayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaan sameynin codsiga ah in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

Wadamada Somalia,Eritrea,Ethiopia iyo Jabuuti ayaa wasiirradooda arrimaha dibadda u diray shirkii 73aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobey kuwaa oo halkaa ka jeediyay khudbadaha ay jeedin lahaayen madaxdooda.

Si kastaba ha ahaatee, arimahaani ayaa kusoo beegmaya iyadoo DFS ay 30kii July 2018 ku baaqday in cunaqabeynta laga qaado dalka Eritrea,waxaa arrintaas aad uga carooday dalka Jabuuti oo la baxday danjiraheedii Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com